Borama-(Lug)-Saddexda Xisbi Qaran ee heer gobol iyo degmo, Maamulada Heer gobol/degmo iyo Dhamaan taageerayaasha kala duwan ee Xisbiyada Mucaaradka iyo Muxaafidka ee gobolada Awdal iyo Selel ayaa dareen xoogan ka bixiyay go’aankii golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland ay shalay soo saareen kuna saabsanaa in go’aankii Golaha Guurtidu ku hor istaageen in Muddo Kordhin Sanad ah loo sameeyo Xukuumada Rayaale.
Waxaanay madaxdaasi dhamaantood ay ka sinaayeen mowqifkaasi golaha guurtidu qaateen oo ay ku sifeeyeen mid lagu diirsaday isla markaasina dalka lagu badbaadinayo umadana reer Somaliland ah u horseedaya nabad yio ka wada shaqaynta mucaarid iyo muxaafidba danta dalka iyo dadku halkay ku jirto.
Waxaanay cadeeyeen inay dhamaantood ay soo dhawaynayaan go’aankaasi golaha guurtida oo ay ku tilmaameen astaantii lagu yiqiinay guurtidu inay ku dhaqaaqdo marka iska horyimaad iyo khilaaf dhinacyo kala duwani uu yimaado waxana baaqaasi dirayay Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, waxuuna tilmaamay in go’aankani yahay mid keenay inay isku fikir kaliya ay ka noqdaan xisbiyadii mucaaridka iyo xukuumadii Somaliland waxuuna tilmaamay in dalka laga badbaadiyay cadow inaga faa’iidaysan lahaa.
Suldaan Xasan Xadi (Baade) ayaa isaguna qiray guurtidu inay maanta qaadatay dariiq sax ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii xisbiyada mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid iyo Xisbiga talada haya iyo Xukuumada xurguftii u dhaxaysay lagu soo afjarayo, dadkana ay ka baxday cabsidii iyo war war kii ay la islahaayeen nabadgalyo xumo ayaa iman, waana arrin lagu wada farxo.
Gudoomiyaha Gobolka Selel Cawaale ismaaciil Xasan ayaa isaguna soo dhaweeyey go’aankan waxuuna cadeeyey in imika Somaliland u talaabsatay mucaarid iyo muxaafidba in laga shaqeeyey sidii dadka loo badbaadin lahaa.
Sidoo kale waxa hambalyo diraya gudoomiyaha Golaha degaanka ee degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad, ku xigeenkiisa Cismaan Muumin Caare iyo Xildhibaanada golaha degaanka ee Mucaarid iyo Muxaafidba leh iyagoo arrintan golaha guurtidana ku tilmaamay inay noqonayso mid looga foojignaado cadowga dibada iyo sidii la iskaga qaban lahaa kuwa jecel burburinta Somaliland.
Iyadoo guud ahaan Somaliland ay go’aankan ku wada farxeen ayaa waxaan soo qaadan karnaa odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Gari Labo Ruux Kama Wada Qosliso, go’aankan guurtida ayaa meesha ka saaraya Gari Labo Dhinac Kama Wada Qosliso , oo waxa marag ma doonto ah in gartani ay saddex Farxad galisay.
1. Xisbiyada Mucaaridka iyo Muxaafidka
2. Xukuumada Somaliland
3. Bulshada ku nool Gobolada iyo degmooyinka Somaliland
Taasi oo keenaysa inay wada shaqayn karaan maanta labadii dhinac ee khilaafku u dhaxeeyey morankiina uu dhamaaday.
Lughayanews Desk
Borama , Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Taageerayaasha Axsaabta Mucaaridka Ee G/Awdal Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Golaha Guurtida "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback