Hargeysa-(Lug)- Golaha wakiilada ayaa fadhigoodii maanta ku go’aamiyay in la hakiyo labadii mooshin ee horyaalay, isla markaana fasax laba bilood ay galaan. Haddaba qoraal ay fadhigoodii ka dib soo saareen shirgudoonku ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
Markaan tixgelinay heshiiska beesha caalamka ee lixda qodob ka kooban ee ay ku dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka
Markaan tixgelinay go,aank Golaha Guurtida ee Jimcihii ( 25.9.2009) ee ay ku aqbaleen heshiiska caalamka ee Lixda qodob ka kooban dalkana ka badbaadiyey inuu galo mugdi iyo xasilooni daro
Markuu tixgeliyey dadaalka gudaha ee ay wadeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee ay ka mid ahaayeen Ganacasatada, salaadiinta, Culimada, aqooyahanada iyo saxaafaddu oo ahaa in laga gaadho heshiis khilaafaadka siyaasadeed
Markaan aragnay aqbalaadda Xukuumadda iyo axsaabta qaranka ee heshiiska beesha caalamka
Markaan aragnay inaan heshiiskaas weli la saxeexin, saxeexiisana ka soo qayb geli doonto beesha caalamku una baahan yahay in la siiyo waqti
Markaan garawsanay in dalku u baahn yahay in la qabto doorasho xor oo xalaal ah lana siiyo furad ay ku qabsoonto
Markaan tixgelinay codsiga beesha caalamka ee ah in fursad la siiyo wadahadalka iyo heshiiska iyo qaban qaabada doorashada madaxtooyada
Markaan aragnay dareenka shacbiga Somaliland ee aan wakiilka ka nahay ee farxadda leh ee ka dhashay go,aankii Golaha Guurtida
Markaan aragnay in aan nahay Gole keliya, xil keliya leenahay, xeer keliya leenahay , magac keliya leenahay, una baahanahay in Golaha loo sameeyo turxaan bixin, is lab xaadhasho, iyo isu soo dhaweyn taasina u baahan tahay waqti ku filan
Markaan aragnay in loo baahan yahay in waqti ay ku tashadaan la siiyo xildhibaanada watay labada mooshin
Markaan tixgelinay danta qaranka , dareenka shacbiga iyo xaaladda cusub ee dalku galay
Markaan tixgelinay in Goluhu galay kalfdahi caadi ah iyo laba kalfadhi oo aan caadi ahayn oo xidhiidhsan yeeshay.
Waxaan Golaha sharafta leh u soo jeedinayaa in Goluhu galo laba (2) bilood fasax ah. Lana joojiyo sii wadista dooda laba mooshin.
Mudanayaasha waxay heegan u noqon doonaan in la isugu yeedho mar kasta oo hawl qaran looga baahdo.
Jamhuuriya


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Wakiilada S/land Oo Hakiyay Labadii Mooshin Ee Horyaalay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback