Hargeysa-(Lug)-Wakiiladii dalalka qaadhaan bixiyayaasha ee kharshka doorashada madaxtooyada Somaliland gacanta kaga geysanayay iyo khubaradii farsamo ee Serverka natiijadii diiwaangelinta codbixiyayaasha ka hawl gali lahaa ayaa la filayaa in maanta ay dalka soo gaadhaan si ay goob joog uga noqdaan munaasabada lagu sexeexi doono lixdii qodob ee ay kaga soo talo bixiyeen xalinta khilaafka sharci ee ka dhashay dibu dhaca dorashada madaxtooyada oo ay madaxweyne Rayaale iyo labada gudoomiye xisbi mucaarid Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo, Ucid Faysal Cali Waraabe ay si wadajir ah u aqbaleen,

golaha guurtiduna go’aankoodii muddo kordhinta Rayaale iyo ku xigeenkiisa ay ku saleeyeen wakhtiga doorasho la qabto, kaas oo heshiiskaasi oo ka koobnaa lix qodob oo nuxur ahaan xambaarasanaa mudada serverku qaadan doono, wax ka bedelka komishanka doorashooyinka ay waftigaasi iman doonaa ay goob joog ka noqon doonaan munaasabada ay ku wada sexeexi doonaan hogaamiyayaasha saddexda xisbi. Waxaana la sheegay in waftigaasi beesha caalamka ay ka mid yihiin wakiilo ka kala socda dawlada maraykanka, midowga Yurub iyo masuuliyiin ka socda Itoobiya. 

Haatuf