Anagoo tix-raacaynaa wareysigii Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay  29/09/2009 Cabdiraxmaan Xaaji Adan “Ibbi’ oo ah Rayisal Wasaare ku xigeenka

 isla markaana ah Wasiirka Kalumeysiga ee Somalia ayaanu waxaanu kaga jawaabeynaa sidatan:-
 
• Rayisal wasaare ku xigeenku si fiican ayuu uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland wuuna ku mahadsan yahay. Haseyeeshe markii la weydiiyay in la gaadhay waqtigii Somaliland la aqoonsan lahaa wuxuu ku jawaabay “Nin baa waran isha lagaga taagay mid kalena badhida markii la weydiyay midkee lagaa jaraa wuxuu ku jawaabay midka badhida iga taagan si aan salka u dhigo oo aan u fadhiisto, taaso macneheedu yahay diyaar uma nihin in aanu aqoonsano Somaliland hadda” .

• Waxaanu walaalkeen u sheegeyna waranku meeshu doono ha kaaga taagnaadee in aanay Somaliland u daba fadhiisanayn madax banaanideeda Somalia oo aanu 1991 kii ka tashanay in aanu ka noqonay israacii 1960 kii.

Allaa Mahad Leh
 

Siciid Maxamed Nuur
Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda
slforeign@hotmail.com