arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar.JPGQaahira-(Lug)-Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo munaasibada Ardeyda ka qalin jibisay jaamacadaha wadanka Masar ayaa waxaa lagu qabtey hoolka xafladaha ee markaska Sheekh Salax Kamil oo ku yaala jaamacada al azhar al sharif xaflada ayaa waxaa ka oo soo qeybgalay marti sharaf aad ubadan ilaa boqoloal ruux dad gaadhaya iyo masulyin sarsare oo uu horkacaya safirka dalka somaliya ufadhiya wadanka masar Danjire Cabdulahi Xasan Maxamud iyo Xildhiban Yusuf Cali Ceynte, gudoomiyaha jaaliyada Somaliyeed ee dalka Masar Shekh Yusuf Xusen Jimcale iyo Dr Cabdinasir Jamac Warsame oo ah aqoonyahan Soomaliyed iyo gudoomiyaha ururka ardeyda Soomaliyed ee dalka masar Cabdinasir Cumar Cusman.

arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar.JPG

Ugu horeyn waxaa munaasabada xaflada lagu bilaabay ayadaha quranka kariim ah oo uu akhriyey ardey kamid ah ardeyda wadanka Masar wax kabarta Mudane Maxamed Cashara Cusman kadib waxaa kalmad soodhawen ah qaatey gudoomiyaha ururka ardeyda Soomaliyed ee dalka Masar Cabdinasir Cumar Cusman oo dhaman dadkii ka soo qeybgalay xaflada soodhawen balaadhan usameeyey kuna booriyay ardayda qalinjibisay in ay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho kadib waxaa halkas kalmad kasoo jeediyey mid kamid ah ardeydii ka qalinjibisay jamacadaha wadanka Masar gaar ahaan jaamacada Al Azhar university ardeygas oo magacisa layidhado Axmed Saciid Tukaale kalimada uu ardaygasi ka jeediyey madasha  ayaa dadkii xaflada ka soo qeybgalay masuuliyin iyo marti sharafba aad  ugu yiraaqen kalimadas oo isugu jirtey soodhawen munaasabada xaflada habeenkas iyo ahmiyada iyo makaanada iyo waxa looga baahan yahay qofka mutacalimka ah iyo dhibaatada jahligu uu yeelahay wuxuna sheegay cabsida ilaahay in ay aasaas u tahay cilmiga barashadiisa  kuna  kubooriyey ardeydii kaqalinjibisay jamacadaha wadanka masar in ay xil iska  saaraan shacabkooda dhibaatada ay ku jira.

arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-1.JPG

Cilmigooduna ugu adeegan maslaxada umada sidoo kale wuxuu mahadnaq uu usoo jeediyey dalka masar shacabkooda iyo xukuumada masar sidoo kale wuxuu mahad baladhan u soo jeediyay Sheekh Alzhar iyo gudomiyaha jamacada Al Azhar iyo danjiraha Somaliya iyo ururka ardayda Somaliyed ee dalka masar isaga oo umada soomaliyed ilahay uga baryey inuu dhibatada ka saro.

arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-2.JPG

Kadib waxaa hadalka qaatey Dr Cabdinasir Jamac Warsame oo isaguna umahad u celiyey ardeygii kalmada qiimaha badneed ka soo jeediyey  isagoo tusaale u soo qaadana kalmadihii ka gariirshay  madasha ee uu  akhriyay ardayga Axmed Saciid dhinaca  kale waxa uu ku booriyay ardeyda in ay waqtigooda qaliga ah ka faa’iideystan kadib.

arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-3.JPG

Waxa kale oo halkaas kahadlay Xildhiban Yusuf Cali Ceynte oo isaguna ka hadlay ahmiyada waxbarashada leedahay iyo dalka dhibaatada kajirta maanta iyo in loo baahan yahay dad waxbartey oo dhibaatada dalka kasaara kadib waxaa halkas ka hadley gudoomiyaha jaaliyada Soomaliyeed ee dalka masar Sheekh Yusuf Xusen Jimcale oo khudbad aad uqiima badan isaguna kajeediyey madasha wuxuuna mahadbaladhan ujeediyey safirka Somaliya ee dalka maser.
Waxa kale uu  amaan balaadhan u soo jeediyay ardayda  ka qalinjibisay jaamacaha wuxuuna ku booriyay in ay  sii wataan waxbarashadooda.

arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-4.JPG

Intaasi Ka dib waxaa hadalkii qaatey safiirka dalka masar ufadhiya dalka Soomaliya danjire Cabdulahi Xasan Maxamud isagoo mahadbadhalan ujeediyey dadkii xaflada soo qaban qaabiyey gar ahaan ururka ardeyda Soomaliyed sidoo kale waxa uu mahadbaladhan ujeediyey ardeygii ku hadlaayey magaca ardeyda kaqalinjibisay jamaacadaha wadanka masar  isagoo ku tilmaamey khudbadiisa mid xambarsanayd qiimo badan kuna haboon munaasabadan oo kale sidoo kale waxa uu kubooriyey ardeyda soomaliyed in ay waxbarashada sii wadan sidoo kale waxa uu mahadbadhalan ujeediyey dowlada masar iyo shacabkeyda  geeska kale waxa uu mahadbaladhan ujeediyey Sheikh Al Azhar Al Sharif  kadib waxaa lagu gudo galay in la gudoonsiiyo ardeydii kaqalinjibsay shahado sharaf uu soo diyariyay ururka Ardeyda Soomaliyed Ee Dalka Masar waxana gudoonsiyey safirka dalka maser ee u fadhiya somaliya Danjire Cabdulahi Xasan ardayda qalin jabisay oo dhanayd ilaa 50 arday oo isugu jira wilal iyo gabdho.

arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-5.JPG
arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-6.JPG
arday-soomaaliyeed-oo-ka-qalinjabisay-jaamacada-masar-7.JPG

Maxamud Cabdi Jamac(Dhamac)
max.amuud546@hotmail.com