Ururka Gabdhaha ee Moonlight ee magaalada Boorama ayaa markale soo gabagabeeyay tababar ku saabsan dhibaatooyinka gabdhaha ka soo foodsaara bulshada ee dhinacyada waxbarashada, caadooyinka xunxun, hogaanka bulshada iyo auriga lafahaantiisa, tababarkan oosodcay mudo labomaalmood ah ayaa waxa ka soo qayb galay xidhitaankiisii hormoodka kuliyada Maamulka iyo Maaraynta ee jaamacada Camuud, Mis. Yurub Cabdiraxmaan Muumin, xilibaan Xasan Halas Bare iyo waliba wakiilka dalada dhalinyarada ah ee SONYO ee GObolka Awdal Md. Maxamed Aadan Ibraahim.
Tababarkan oo la isugu keenay 25tan gabdhood oo ay dadoodu u dhaxayso 18jir ilaa 25 jir ayaa waxa ugu horayntii siwayn ula hadashay gudoomiyaha ururka Moonlight Mis. Asra Sh. Abdilaahi Sh. Cali Jawhar, waxana ay si qoto der. U tusalaysay in tababarkan oo dhowr goor oo hore soo qabsoomay uu allí mid salka ku hay sidii ay hawenka soo korayaa u wadaagi lahaayeen waaya’aragnimooyinka dhinaca hogaanka ah iyo sidii ay gabdhahu u falanqayn laahaayeen dhibaatooyinka iskood u soowajaha, waxa kale oo ay ku dardaartay dhamaan ka soo qaybgalayaasha tababarkan in ay si wayn uga faa’iidaystaan duruusta baxaysa isla markaana ay noqdaan kuwo haweenak dalka iyo gobolkba u horseeda hormar. Mar ay ka wramaysay Mis. Asra ururka Moonlight ayaa waxa ay tidhi, bulshada wayn ka sokow Moonlight waa Satán u tagan in gabdhaha yaryar ee sookaraya la gaadhsiiyo hormar wara oo mustaqbalka ah isla markaana laga xoreeyo caadooyinka xunxun iyo dhaqanada dib u dhaca wata, loo abuuro kalsooni ay gabadhu wax ku barato ku hagaamiyo bulshada isla markaana ku dhiibato fikirkeeda iyada oo marwalba la waafajinayo afkaarahaas dienta Islaamka. Waxa ay Mis. Asra u mahadnaqday dhamaan ka soo qaybgalayaasha hayada UNICEF iyo dalada SONYO oomashruucan si wayn garab uga gaystay.
Xil. Xasan Halas Bare iyo Wakiilka SONYO ee G/Awdal Md. Maxamed Aadan Ibrahim oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa waxa ay sheegeen in haweenka ay soo foodsaaraan dhibaatooyin waawayn isla markaana badan oo caadaadka bulshada salka ku haya, waxana ay xuseen inay lagama maarmaantahay in haweenka garran kuwa soo Soraya ay u guntadaan sidii arietan meesha looga saari lahaa. Waxa ay ku amaaneen ururka Moonlight kaalinta uu kaga jiro waxqabadka bulshada, waxana ay sheegeen in looga baahan allí ka qayb galayaashu ay ka faa’iidaystaan.
Hormoodka kuliyada maamulka iyo Maaraynta ee Jaamacadda Camuud Mis. Yurub Cabdirahmaan Muumin ayaa waxa ay ka warantay in hablaha soo koraya ee maanta ay horyaalaan qabado badan oo u baahan inay si qoto dheer uga fikiraan si ay u noqdaan kuwo uga badbaada dib u dhacyo badan oo hore u haleelay haweenkii hore. Mis. Yurub waxa ayw ax badan tusaalaysay sida loogu baahan qabo in ay haweenku si wayn waxbarashada ugu dadalaan isla marrana u kobciyaan maankooda, waxa ay sheegtay in tacloontu tahay mida kaliya ee burburinkarta dhamaan caadooyinka xunxun iyo jahliga ragaadiyay haweenka, waxa ay ku tilmaantay Mis. Yurub tababarkan maniata mid ka mid ah wadooyinka cilmiga ay u baahan tahay gabadhu wxana ay ku dardaartay in ay siwayn uga faa’iidaystaan casharada ka baxaya tababarka.
Tababarkii maanta oo ay ka qayb qaateen 25 gabdhood oo dhigta dugsiyada dhexe iyo sare ee magaalda Boorama ayaa waxa casharadii ka baxayay qayb wayn ka qaadatay Mis. Hibo Maxamed Yusuf oo iyadu si hufan u soo bandhigtay hababka loo isticmaalo ka hadalka dhibatooyinka soo foodsaara hablaha iyo waliba sidii gabadhaha loo bari lahaa hogaanka wanaagsan.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ururka Gabdhaha Ee Moon Light Oo Tabobar Ugu Soo Xidhay Gabdho Aad U Faro Badan Magaalada Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback