Waxaan qoraalkan kaga jawaabayaa qoraal lagu daabacay maalintii sabtida 03-10-09, Harowo.com iyo weraarpress.com, oo aflagaado shaksiyadeed oo madnuuc ka ah saxaafadda
lagu soo qoraba. Qaraalkaa oo cinwaankiisu ahaa waa ayo cidda ka danbaysa kala fogaynta reer awdal. Waxaan u jawaabayaa si toos ah ninka layidhaah Ahmed Sheekh Faarax, waayo waa Mulkiilaha labadan website iskaleh isagaana masuul ka ah aflagaadadan shakhsiyadeed.
Ahmadow walaal dalkeena Somaliland waxa laga hirgaliyay habka xisbiyada faraha badan(mult-party system), reer Awdalna dalka intiisa kale ayay wax la wadaagaan, iyagaana ku faaiday nidaamkaa oo madaxwayne ku noqday.
Qofkastoo muwaadin Somaliland ahi xataa reer Awdal xaq ayuu uleeyahay inuu xisbiguu doono uu galo, waxna doorankaro lanadoorankaro, xataa adiga ahmed ahi aadku jirtid.
Doorashadii madaxwaynaha ee sanadii 2003 xisbiga Kulmiye waxaa musharax madaxwayne-kuxigeen ka ahaa mudane C/rahman aw Ali Farah, dadkii raacay ee taageeray waxaa kamid ahaa Eng.C/raxman C/lahi Ismacil SAYLICI, xildhibaan Ikraan Xaaji Daauud, iyo Gudoomiye kuxigeenkii labaad ee Kulmiye xilligaas, marwo Siraad Ali Yusuf. Intaas in kabadan oo kalena waxay taageertay UDUB oo loogu doortay madaxwaynaha hadda jooga mudane Dahir Rayaale Kaahin.
Hadaba intaasiba reer Awdal ayay wada ahaayeen qofba halkuu doono ayuu maray, wada dhalashaduna waa halkeeda tartankuna waa jiray waana jiridoona kuwo danboo imika la ogayn ayaa soo bixidoona xilkuna waa meerto saaxiib. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ; DOQONI HADII LAYS QABTO, IN LAKALA TAGAY BAY MOODAA:.
Muwaadiniinta reer Somaliland ee ay reer Awdal ka mid yihiin waxa u furan in qofku xor u yahay xisbiga uu doorbido. Haddaba anigu waxaan ka tirsanahay KULMIYE, xaqna waxaan uleeyahay in aan u ololeeyo, adiguna xaqbaad u leedahay in aad u ololeysid xisbiga aad jeclaato. Laakiin walaal waxaa labadeenaba inaga reeban aflagaadooyinka lagu weerarayo shakhsiyaadka. Tartan xalaal ah ayaa ka dhaxeeya sadexda xisbi qaran. Reer awdalna waa ummad ballaadhan oo ay ku jiraan dadyow kala fakir duwan iyo qaar isku fakir ahba, mana aha qoys yar oo meel wada maraaya ama shakhsi kali ahi kala kaxayn karo, waa sidaad ahmadow hadalka u dhigtayee, haku gafin bulshoweynta reer Awdal inta aad shakhsi cay u qor leedahay. Maahmaah Soomaaliyeedbaa tidhaa; AFXUMO NABADNA WAYKAA FOGEYSAA COLAADNA WAXBA KAMA TARTO.
Labada oday eed magacowday Xaaji Daahir AWcilmi iyo Barkhad Cumar waa adeeraday cisso iyo sharaf bay agtayda ku leeyihiin, waxaanad ku sheegtay Ina sheikh faaraxow kuwo xeebta daga. Hadaba taariikh khaldan ayaa malaha laguu sheegee aanku saxo walaal. Haji Dahir AWCilmi Ducaale aasaaskii Boorame 1922kii kahor ayuu ku dhashay goobta hadda layiraa Boorama, inta la ogyahayna ilaa shan awow ayuu halkaa daganaa waana loogu yimiday.
Barkhad Cumar Xaaji Khayre awowgiis Xaaji Khayre oo anigana awow ii ah ayaa ahaa dadkii Boorama asaasay, wuxuuna ka bilaabay goobta hadda loo yaqaan Khayriyadda, isna waa loogu yimid iyo beesha aanka soo wada jeednaba. Taasna umajeedo beelaha kale ma dagijirin Boorama ee waa meel lawada dagi jiray imikana lawada dago.
Bari hore ayaa rag tol ahaa nin ka codsaday in la caleemo saaro wayna u ogolaadeen wayna caloomo saareen. Ninkii la caleemo saaray ayaa ragii ku noqday mid waxii ayka filayeen aan warba uhayn illeyn aadamaha caddaaladbaa deeqdee lacag iyo nasab midna madeeqo. Kadib nimankii wax caleemo saaray ninka mida ayaa lahadlay ninkii caaqilka u ahaa eey caleemo saareen hadaba sedan buu ula hadlaY.
Rag Caddaalad Waayaa Sidii Cawsha Kala Yaacye
Caarow Shabeel Iyo Dhurwaa Nalagu Cawreeye
Canka Nagu Gur Bahal Goodiroo Loo Cimaamadaye
Canda Taqasha Caash-Boorri Bay Ciidan Leedahaye
Cunbulayska Reeraha Xigey Kula Carrowdaaye
Citiqaadday Raagaba Inuu Kuu Ciniin Yahaye
Wali Curadadiinaan Birtii Cadow La Taabsiine
Coomaaddahaan Idinku Cunin Ceedhiin Laba Wiige
Cooflayda Haad-Daan Indhaha Idinka Ciideynee
Cishii Baanad Soo Noqon Adoo Cararay Maantiiye
Mar Haddii Calooshayda Geed Ciin Ah Lagu Beeray
Waxaad Tahay Nin Aan Baylahdiisa Ka Dhoohane.
Ali Hamud Jibril
London Uk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waa Ayo Cidda Ka Danbaysa Kala Fogaynta Reer Awdal By Ali Hamud "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback