kulmiye1.jpgHargeysa-(Lug)-Xisbiga KULMIYE ayaa maanta xubin cusub u magacaabay Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, ka dib markii Madaxweyne Rayaale muddo sadex jeer ah dib u soo celiyay oo uu diiday gabadhii xisbigaasi hore u soo xulay ee Ilhaan Maxamed Jaamac.

Xisbiga KULMIYE wuxuu xubintan cusub u magacaabay nin la yidhaahdo Cali-Khadar Xasan Cismaan,sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xisbigu ay soo saareen oo loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoraalkaasina wuxuu u dhignaa sidan

 ”Mudane Madaxweyne,

 Tix-raac qoraalka summadiisu tahay JSL/M/GXK/009-1807/102009, ee ku taariikhaysnaa 17/10/09, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa bedalaadii aad naga codsatay ee xubintayada Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanuna u soo xulnay xubintaasi Md. Cali-khadar Xasan Cismaan.

 Waxaanu mar labaad kaa rajaynaynaa inaad xubintaas u gudbin doonto Golaha Wakiillada, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

 Wa Billaahi Tawfiiq

Md. Axmed Maxamed Siilanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE   
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa 

Ramaas