dsc05971.JPGBorama-(Lug)-Gudoomiyaha Golaha degaanka iyo Isuduwaha Beeraha ayaa maanta tabobar ku saabsan ka hortaga nabaadguurka iyo xaalufka uga degaanada Caasha Cado, Holholka iyo Sogsogley.

dsc05971.JPG

Tabobarkani oo socon doona muddo shan maalmood ah waxa lagu falanqaynayaa sidii beeralaydu ay iskaga kaashan lahaayeen ka hortaga nabaadguurka iyo xaaluf ku yimaada beerahooda, taasi oo looga danleeyahay in la helo degaan ka caagan xaaluf iyo nabaadguur.

dsc05978.JPG

Tabobarkani oo ay waday Hayada wadaniga ah ee Ardo waxa dhinaca maalgalinta ka caawainayay hayada caalamiga ah ee UNDP waxana ugu horeyntii halkaasi hadalo warbixin iyo soo dhawayn ah ka soo jeediyay Eng.Daa’uud Maxamed Barkhadle oo ku hadlayay magaca ururka wadaniga ah waxuunna xusay in mashruucan la dagaalan Nabaadguurka iyo xaalufka uu socday muddo saddex bilood ah uuna ka kooban yahay qaybaha kala ah Tabobaro kor loogu qaadayo aqoonta dadka beeralayda ah iyo sidii meelaha googo’ay gebyan loogu samayn lahaa, waxuuna intaasi raaciyay oo uu yidhi “ waxa jira meelaha ay biyuhu ka soo dhaadhacaan in ay dhagaxaan isdaba yaala oo carada loogu joojinayo ay ka sameeyeen”.

dsc05995.JPG

Waxa iyaguna halkaaasi ka hadlay Maxamed Cali Hami iyo Cibaado oo ku hadlayay magaca dadka degaanka ah waxaanay uga mahadceliyeen ururka wadaniga ee Ardo iyo hayada UNDP sida fiican ee ay u tuseen sidii dhibta soo gaadha beerahooda wax looga qaban lahaa, waxaanay sheegeen inay imika dhibtii soo gaadhay degaankooda iyo sidii wax looga qaban lahaana ay barteen ayna dadaalkooda sii kordhin doonaan.

dsc05997.JPG

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile iyo Isuduwaha Wasaarada Beeraha ee Gobolka Awdal Aadan C/laahi Sh.Muuse waxaanay sheegeen in lala garab taagan yahay sidii wax loogala qaban lahaa dhibta soo gaadha degaanka iyo ka hortaga xaalufkaba balse waxa lagama maarmaan ah inaad ka xidhnaataan dowlada iyo Maamulka degaankiina iyo ka degmada Borama, si cabasho kasta oo idinla soo darista aan ula kaashano hayadihii wax nala qaban lahaa waxna idiin tari lahaa.

dsc05998.JPG

Ugu dambayntii waxay kula dardaarmeen inay aqoonta ay ka korodhsadaan tabobarkan lagu baranayo ka hortaga iyo ilaalinta degaanka.

dsc06002.JPG
dsc06004.JPG
dsc06007.JPG
dsc06010.JPG

Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama