Borama-(Lug)-Maayarka magaalada Borama ayaa maanta 16xubnood oo ka tirsan gudiga horumarinta degmada Borama tabobar ugu soo gabogabeeyey xarunta ururka dhalinyarada SAYS ee magaalada Borama.
Tabobarkaasi oo lagaga hadlayay sidii baahiyaha koowaad ee waxqabad qiimayn loogu soo samayn lahaa degaanada hoos yimaada degmada Borama kuwaasi oo la filayo inay sida ugu dhaqsaha badan ugu baxaan meelaha tuulooyinka ah gudiga horumarinta.
Waxana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee ururka SAYS Nuur Aadan Shirdon waxuuna xusay in mudadaa afarta maalmood ah lagu dadaalayay sidii Priority-ga loo siin lahaa waxyaabaha ay mudan yihiin tuulooyinku ee baahiyaha jira ee waxqabad loo kala hormarin lahaa.
Maayarka magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile isaguna waxuu kula dardaarmay inay si daacad ah ooh agar la’aan ah usoo xulaan baahiyaha koowaad ee tuulooyinka ka jira iyaga oo isku dheeli tiraya talooyina ka qaadanaya dadka tuulada ku nool ee iyagu og waxay doonayaan ee loo horaysiinayo in looga sameeyo degaankaasi waana ta keentay in gudigan horumarinta ee degmada la sameeyo.
Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tabobar Ku Saabsan Sidii Qiimayn Loogu Soo Samayn Lahaa Baahiyaha Degaanada Hoosyimaada Borama Oo Maanta Lasoo Gabogabeeyey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback