Hargeysa-(Lug)-Shir ay soo qabanqabiyeen ururweynaha  gaashaan women  development organisation ayaa waxa lugu qabtay xaafada daami ee magalaada Hargaysa waxa ka soo qayb galay qaybaha bulshada ay ka kooban tahay iyadoo  halkaas hadalo badan laga jeediyay in haweenka ku nool dalka Somaliland ayaa la kulma tacadiyo tirabadan balse intooda badani aanay ka warqabin falalka arxandarada ah ee mararka qaarkood lagula kaco sida kufsiga iyo waxii la mid ah oo aad moodaa in maskaxda laga xady oo la maamusho intooda badan, had iy goorna aan helin wacyigelin ku filan, arintaa waxaa kadhashay dhibaatooyin guud ahaanba hoos udhigay dadaalka haweenka balse waxaa nasiib wanaag ah in ay haatan ku howlanyihiin ururo badan oo ka howlgala dhamaanba gobolada dalka,ururadana waxaa ka mid ah dalada udooda xuquuqda haweenka iyo dadka soo barakacay iyo waliba dadka laga tirade badan yahayee(GAASHAAN WOMEN DEVELOPMENT ORGANISATION). ayaa wacyigelin ku saaabsan xaquuqda haweenka ku qabtay  shalay xaafada sheikh nuur ee magaalada hargaysa iyagoo horena wacyigelintan oo kalena uga soo qabteen xaafadaha daami-A,geerash ow- aadan,iyo ina mooge, wacyi gelintan oo socotay mudo shan maalmood ah, xaafadahan oo  ay ku badan yihiin dadka dan- yar ah iyo waliba dadkii dalka ku barakacay ayaa dhaamaantood  haweenka xaafadaahaasi si isku mid ah loogu gudbinayey baaqa cuqaasha ee ku saabsan xaquuq haweenka ee dhican xaquuqal insaanka, wacyi gelintan oo haweenka loogu gudbinayey siday uga howl gali lahaayeen hadii ay dhibaato kala kulmaan waxyaalaha ay xaqa u leeyihiin sida meherkooda, kufsi loo gaysto,dhaxalka oo la duudsiiyo iyo waliba in  hadii haweenayda uu ka geeriyoodo ninkeedu  ay diidi karto ama aqbali karto hadii in la dumaalo loo soo jeediyo oo ay gebi ahaanba xaaraan tahay in qofka lagu khasbo waxaanu raali ka ahayn ,xeerka caalamiga ah ee xaquuqal insaanka ayaa sheegayaa  in bini aadamka oo dhami siman yahay oo uu qofkastaa dhashay,isaga oo xor iyo xalaal ah oo leh sharaf iyo xaquuq siman.

Madashaa oo ay ka hadashay   gudoomiyaha dalladaasi gaashaan(saynab) ayaa haweenka ku guubaabisay “inay waajib tahay inay gartaan inay xaq cad oo aan  cidna ku haysan uu qofka bini-aadam ahi leeyahay, isla markaan ay waajib tahay inay soo sheegaan hadii ay  dhib soo foodsaarto sida inay iska ilaaliyaan inay qarsadaan hadii falal xaquuqdooda ka soo  horjeeda lagula kaco tusaale ahaan in hadii kufsi loo gayso ay tagaan goobto ugu dhow ee qofkii falkaas u gaystay waajibkiisa lagu marin karo” saynab oo hadalkeeda sii wadataa waxay dumarka ugu baaqday(inay iska ilaaliyaan cid kasta oo xaquuqdooda wax u dhimaysa, kan hor imanaysaa horumarkooda,dhexdoodana ay  haweenku is taa kuleeyaan”.akhriste waxaa  qayb kasta oo ka mid qaybaha bulshada  oo ay ku jiraan shirkadaha ganacsiga, NGOya,haayadaha waxbarshada  waxay wadaagaan masuuliyada ah ilaalinta iyo kobcinta xaquuqal insaanka gaar ahaan xaquuqda dumarka.

Akhritse waxaa sida  horumarka  kale ee uu dalku ku talaabsaday loo baahan yahay inay dumarkuna ka qaataan qaybtooda oo aan laga hor istaagin, ururda u gaarka ah haweenka kuwaasi oo haba kala magac iyo muunad kala duwaanaadeena laakiin inta badan isku hadaf ah kaasi oo ah inay dumarka wax la qabtaan haday noqon lahaayeen  inay ka caawiyaan dhanka waxbarashada, taakulaynta dhanka qoyska ah, ilaalinta in lagu xad gudbo ama lagu gafo  xaqooda maadaama oo ay dumarku yihiin dad aad u jilicsan isla markaan  dhib kasta oo soo  korodhaa ay iyaga taabanayso.

Gebagebadii  waxaa loogu baaqayaa cid kasta oo danaynaysa xaquuqda iyo horumarka haweenku ay ka qayb qaataan halganka loogu jiro ilaalinta xaquuqda haweenka iyo kor-uqaadida, dardargelinta guud ahaanba xaquuqal iinsaanka.

 

Wariye:-
Sucaad Ismaacil Maxamed (Sucaad Sharaf)
Lughayanews-Hargeysa