Hargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xubnaha uu u soo xulay Komishanka Doorashooyinka cusub ku soo daray laba siyaasi oo xubno firfircoon ka ah xisbigiisa UDUB oo qaarkood xilal kala duwan ka hayeen, kuwaasi oo qaar kood si qaawan telefishanada uga fadeexadayn jiray xisbiyada mucaaridka ah.
Xubnaha Madaxweyne Rayaale u soo xulay Komishanka Qaranka, ayaa la sheegay in la mid ah xubno firfircoon ka yihiin xisbiga UDUB waxa ay kala yihiin; Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo isagu hore uga tirsanaan jiray KULMIYE iyo Eng. Ciise Yuusuf X.Maxamed (Ciise Xamari) oo isagana lagu shaabbadeeyey inuu ku jiro golaha dhexe ee xisbul-xaakimka, isla markaana xilal ka hayey.
Mr. Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo ah siyaasi hore uga tirsanaan jiray KULMIYE, balse ka digo-rigtay dabayaaqadii 2005, kadib markii uu saluug ka muujiyey qaabkii hoggaanka xisbigaasi u xulay murrashaxantii uga qaybgalay tartankii doorashada Golaha Wakiillada, kuna biiray xisbul-xaakimka UDUB oo uu xubin firfircoon ka ahaa
Mr. Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo Madaxweyne Rayaale magaciisa mudnaanta koowaad siiyey saddexda xubnood ee uu u wakiishay Komishanka cusub, ayaa dad badani ugu suntan inuu ka mid yahay siyaasiyiinta sida weyn difaaca xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB sidoo kalena u heellan cambaaraynta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga KULMIYE oo uu hore uga tirsanaan jiray.
Sidoo kale, Eng. Ciise Yuusuf X.Maxamed (Ciise Xamari), ayaa isagana ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen inuu yahay nin ka tirsan xubnaha sida aadka ah u taageera siyaasadda madaxweyne Rayaael iyo xisbigiisa UDUB, inkasta oo uu yahay shakhsi aan can ku ahayn dhinaca siyaasadda oo ah Ingineer qaabilsan dhinaca dhismaha.
Tallaabada Md. Rayaale xubnaha uu soo xulay ugu soo daray siyaasiyiin ku su ka tirsan xisbigiisa UDUB, waxa ay si cad uga horimanaysa shuruudaha laga doonayo xubinta noqonaya Guddiga Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan qodobka qeexaya inuu yahay qof aan ka tirsanayn xisbi siyaasi ah.
Magacyada xubnaha Madaxweynuhu soo xulay oo hore buste loo saaray shaacintooda, balse si rasmi ah u soo shaac-baxay markii shalay duhurkii loo gudbiyey Golaha Wakiillada magacyada toddobada xubnood ee dhinacyadu u wakiisheen Komishanka cusub, ayaa dad badani ku tilmaameen tallaabo caddaalad-darro ah oo Md. Rayaale godob shaqsi ah kaga galay labada xubnood ee uu Guurtida iyo KULMIYE kaga diiday inay ka mid noqdaan Guddiga Doorashada Qaranka ee uu khasabka kaga dhigay in la beddelo, kadib markii uu ku eedeeyey in aanay dhexdhexaad ahayn.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saddex jeer KULMIYE dib ugu celiyey Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo loo xulay Komishanka Doorashooyinka, isagoo ku adkaystay in aanay haweenaydaasi buuxin shuruudihii looga baahnaa, isla markaana ka dhex muuqato xisbiga, iyadoo waxaanay arrintaasina KULMIYE ku khasabtay in xubin cusub lagu beddelo.
Sidoo kale, waxa Madaxweynuhu si badheedh ah xuquuqdiisii distooriga ahayd uga horjoogsaday Mr. Xasan Siciid Yuusuf oo isagana Golaha Guurtidu hore ugu magacaabeen Guddiga Doorashada, kadib markii uu si sharci-darro ah ugu andacooday in aan xubintaasi dhinac yahay oo aannu dhex noqon Karin, iyadoo badheedhka cad ee Rayaale ku duudsiyey xaqii muwaadinkaasina keentay in loo yeelo macanganimadiisii oo xubin kale lagu beddelo.
Jamhuuriya Online


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tallaabada Madaxweynuhu Ku Soo Xushay Siyaasiyiinta Ka Tirsan X/UDUB, Waxa Ay Si Cad Uga Horimanaysa Shuruudaha Xubin Noqoshada Guddiga Doorashooyinka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback