Boorama-(Lug)-Munaasabad aad u balaadhan oo maanta ka dhacday xarunta dugsiga tababarka xirfadaha ee HAVOYOCO ayaa lagu maamuusay shaahado gudoonsiint iyo qalinjabinta dufcadii afaraad ee dugsigaasi. Munaasibadan maanta oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Badhsaabkuxigeenka gobolka Awdal, Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Awdal, Maamulka Dugsigan Havoyoco, Salaadiin Odayaal, Culimo, Waalidiin iyo Arday.
Ugu horayntii waxa madashan ka hadlay Md. Cabdiraxmaan Axmad Jaamac oo ah maamulaha xaruntan tababarada ee Havoyoco waxana uu ku dheeraaday taariikhdii xarunta iyo ahmiyada ay bulshada u hayso. Md. Cabiraxmaan waxa uu sheegay in xaruntan oo lafuray sanadii2006dii ay ka qalinjabiyeen ilaa maanta 4 dufacadood oo arday ah isla markaanka bartay xirfado ay noloshooda ku kaabaan, waxa uu sheegay in ay bixiyaan barashada Dabka korontada, Niyaarista iyo Wastaadista, Kumbiyuutarka iyo culuunta Casriga ah ee Xoghaynta. Waxa kale oo uu carabaabay in Sanadkan ay dhan yihiin ardayda qalinjabisay 110 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxa uu md. Cabdiraxmaan soo bandhigay qorshayaasha lagu shaqo gaynayo ardaydan ay xirfadaha bareen waxana uu amaan u soo jeediyay shiriikadaha Laydhka ee Borama Power Station iyo Aloog oo hore u shaqaalaysiiiyay arday ka qalinjabiyay Xaruntan Havoyoco, waxana uu shariikadaha gaarka ah, hayadaha dawliga ah iyo goobaha shaqada ee Boorama u soo jeediyay in ay kawada qayb qaataan shaqaalaysiinta ardaydan qalinjabisay.
Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Daahir Maxamuud Xaddi oo isaguna ka hadlay madashan ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay barashada xirfadauhu u leeyihiin dhalinta iyo guud ahaanba waxbarashada, waxa uu u mahadnaqay urturka Havoyoco oo fursadan suura galiyay, waxa kale oo uu u mahadnaqay hayadaha kale ee gacanta ka gaysta habsami u socodka barnaamijkan. waxa kale oo uu sheegay in wasaarada waxbarashadu ay ahmiyad gaar ah u leedahay isaga iyo bahda kale ee waxbarashada isla markaana uu dugsiga Havoyoco yahay midka ugu muhiimsan ee xirfadaha lagu barto ee gobolka ka jira. Waxa uu balan qaaday in dadaalka ay hayaan dhalinta Havoyoco ee Boorama ay hiil iyo hooba la garab istaagayaan.
Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal, Sul Baade iyo Sul Dacar oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa si gaar ah ugu mahad naqay maamulka Havoyoco ee gobolka Awdal, waxana ay ka marag kaceen in munaasibadan ay qiimo wayn ugu fadhido, waxa kale oo ay salaadiintu balan ku qaadeen in ay dadaal u galayaan sidii bulshada inteeda kale looga dhaadhicin lahaa in shaqooyin loo abuuro dhalintan, salaadiintu waxa kale oo ay xuseen in ay lagama maarmaan tahay in dhalinta la baro xirfado kal aduwan si ay u anfacaan naftooda iyo bulshadaba,waxana ay ugu baaqeen kulan adardaarmeen ardayda qalinjabisay in ay ka faa’iidaystaan wixii ay barteen isla markaana bulshada ku anfacaan.
Dr. Cabdi Cilmi Obsiiye iyo Eng. Cabdi Axmed Geedi oomadashan ka hadlay ayaa iayaguna ka dhawaajiyay hadalo guubaabo ah oomuhiim ah. Dr. Obsiiye waxa uu sheegay in ay aad u mahadsan yihiin bahda dhalinta Havoyoco ee Boorama oo iyagu waxbarasho u fidiyay caruurta waalidiinta awoodi waayay in ay awlaadooda wax baraan iyo dhalinta kale ee ka soo laabatay xeryaha qaxootiyada, waxana uu sheegay in ahmiyada ay leedahay farsamada gacantu ay tahay mid ay bahda caafimaadku ka maragkacayaan.
Eng. Cabdi oo isagu ah muwaadinkii bixiyay dhulka laga dhisay xaruntan, waxana uu sheegay in maanta uu dugsigani u shaqeeyo hal bas oo kaliya isla markaana waqtiyo badan ay aad u adkaato in hablaha dhigta dugsigu ay masaafada intan dhan soo lugeeyaan. Waxa uu ugu baaqay qurbo jooga iyo bulshada reer Boorama in loo tafa xayto sidii loo buuxin lahaa kaalintaas isla markaana loogu iibin lahaa xaruntan bas ay ku hawl gasho. Eng. Waxa kale oo uu sheegay in dugsigu uu ku yaalo goob aanan biyo lahayn balse ururka Havoyoco ay u balan qaadeen in ay bixinayaan kharashka ku baxaya biyaha galintooda balse ay shirkada SHABA wali ka caga jiidayso sidii ay u buuxin lahayd kaalintaas.
Gudoomiye-ku-xigeenka gobolka Md. Cabdi Nuur Sugaal oo madashan ka hadlay ayaa isaguna si wayn ugu mahadnaqay hayadaha ka hawl gala barnaamijkan xirfadaha ah, waxana uu sheegay in ay xirfaduhu muhiim u yihiin dhalinta iyo shaqo abuurista, waxa kale oo uu xusay in ay xukuumadu taageerayso barnaamijyada noocan oo kale ah.
Munaasibadan oo ahayd tii ugu balaadhnayd ee ay ka qalinjabiyaan toradii ugu badnayd e gabdhaha ahayd ee barta xirfadaha gacanta ayaa waxa ay ardayda ka baxday dhanayd 110 arday, waxana shahaadooyin la gudoonsiiyay dhamaan ardaydii ka qalinjabisay munaasabadan.
Xaruntan xirfadaha ee Havoyoco ee magaalada Boorama ayaa waxa aalaaba wax ka barta dhalinta awoodi wayday in ay waxbarashada caadiga ah siiw ataan waxana tan iyo sanadkii 2006 ee la furay ay tahay lafdhabar dhinaca xirfadaha ah oo ka dhex muuqata magalada Boorama, waxana gacan ka gaysta ururka Havoyoco oo ay caawinayaan unhcr, MRR&R iyo wasaarada waxbarashada ee gobolka.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dufcadii Afaraad oo Ka Qalinjabisay MaantaXarunta Tababarada Xirfadaha Ee HAVOYOCO ee Magalada Boorama. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback