Boorama-(Lug)-Sacab iyo mashxarad ayaa markaliya wada qabsaday hoolka ay qiimayntu ka socotay markii lagu dhawaaqay in MCH-ka xaafada Sh. Cismaan uu ku guulaystay abaalmarinta Coopi/Maamulka Isbitaalka ee la gudoonsiiyo goobta ugu shaqada wanaagsan goobaha caafimaadka ee magaalada boorama.
Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka wasaarada Caafimaadka ee gobolka Awdal, ayaa waxa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta caafimadka ee gobolka, saraakiil ka socotay hayada Coopi iyo shaqaalaha caafimaadka ee degmada Boorama.
Agaasimaha cisbitaalka Boorama Md. Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin guusha ay bishan September soo hooyeen MCH-ka Xaafada Sh. Cismaan, waxa kale oo uu sheegay in munaasabadan maanta ay qiime gaar ah u leedahay bahda caafimaadka, Dr. Ismaaciil ayaa waxa kale oo uu xusay in hayda Coopi ay dadaal dheeraad ah ku bixiso caafimaadka gobolka balse hadii ay meesha ka baxdo in ay sii wadayaan qiimaynta caafimadka degmada iyo tartanka dhiiri galinta ah ee ay siiyaan shaqaalaha caafimaadka. Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dadaalka adeegyada caafimaadka lakordhiyo.
Munaasabadan ayaa waxa kale oo ka hadlay Sh. Xasan Daheeye Axmed oo ah gudoomiyaha guud ee caagimaadka gobolka waxana uu yidhi ” waxa loo baahan yahay in la kordhiyo tayada caafimaadka gobolka isla markaana waxa la gaadhay waqtigii la arad tiri lahaa cisbitaalka guud oo la iska kaashan lahaa sidii loo heli lahaa lacag ka timaada bulshada oo hawlahaas lagu qabto. Sheekhu waxa kale oo wax badan ku dheeraaday ahmiyada ay diintu siisay caafimaadka iyo ka shaqayntiisa.
Saraakiisii ka socotay hayada Coopi oo iyaguna hadalo is xigay ka yidhi madashan ayaa xusay in qiiimayntu ay u dhacday si cadaalad ah isla markaana ay tartanka wada galeen dhamaan goobaha caafimaadka ee magaalda Boorama. Waxa kale oo ay sheeegeen in ay sii wadayaan dhiiri galinta noocan oo kale ah ee ay siiyaan goobaha caafimaadka.
Aalaaba marka la qiimaynayo goobaha caafimaadka ee magaalda Boorama ayaa waxa ka shaqeeya hayada Coopi iyo caafimaadka goobolka, waxana laga qiimeeyaa oo lagu tartamaa dhinacyada, hufnaanta adeegyada bulshada loo hayo, maamul wanaaga goobaha caafimaadka iyo nadaafada goobta shaqada.
Abaalmarintan oo ka kooban qadar lacag ah oo dhan $500 iyo shahaado sharaf ayaa waxa hore loo qabtay bishii August, tan bishan Sepember ayaa waxa kaalinta koowaad galay MCH-ka Xaafada Sh. Cismaan, kaalinta labaadna waxa galay Shaybaadhka dhakhtarka Boorama, halka kaalinta sedexaad oo ka galay E-Ray-ga isla dhakhtarka Boorama.
Wariya:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " MCH-ka Xaafada Sh. Cismaan oo ku Guulaysatay Abaalmarinta Coopi/Maamulka ISbitaalka ee Shaqo Wanaaga Goobaha Caafimaadka Boorama. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback