Aniga oo ah Rooda Cali Cilmi waxa aan daawaday habeenimadii salaasadii ee ay taariikhdu ahayd 19/10/2009 telefishanka Aljazeera waxa ka socday muuqaal ka waramayay xaalada Pakistan, waxa uu ku saabsanaa muuqaalka wadaad miskiid lagu gubay oo isagoo gubanaya ay ciidamadu xabad la dhacayaan, daqiiqadihii aan daawanayay waan ooyay oo aan jidhiidhicooday, waxa an la yabay waxa dunida ka dhacaya, waxana aan go’aansaday in aan dareenkayga uga warama shabakada waradka ee Lughayanews, aniga oo cabiraya sida ay xaaladu tahay iyo dareenkayga ku aadan dhacdadii xalay iyo dhacdooyinka dunida ka socda oo ah kuwo layab leh.
Waxa aan leeyahay waxa ugu qiimo badan ee dunidan Eebe bixiyaa waa islaanimo iyo diin caqiido sax ah ku dhisan, tani ayaa waxa cadow ku ah dawlado lagu dhisay dhiig miiradnimo oo ay Israa’iil u horayso iyo Maraykanka iyo dalal badan oo ay ka jiraan xukuumado daba dhilif u ah Gaalada iyo Yuhuuda, sawirkii iyo dhacdadii ka socotay Tv-yada taasi ayay ka tarjumaysaa waana mid saamayn wayn ku yeelan doonta cawaaqibka nabada caalamka, waxa an aaminsanahay in ay gar tahay in dadka muslinka ah laga daayo cadaadiska, dilka, xasuuqa iyo falalka ka baxsan aadanimada ee maanta lagula kacayo, waxa aan leeyahay xukuumadaha Islaamka ah ee dadkooda iyagu cadawga ku ah ka waantooba waxa aad samaynaysaan noqdana xukuumado u jira sidii ay u karaamayn laahaayeen shacabkooda iyo diibtooda.
Pakistan waxa aan leeyahay ma wanaagsana sida aad u dhaqmaysaan xaqdhawra shicibkiina, eebana waa karaameeyay umadiisa idinkuna taasi ogaada oo ixtiraama umadiina iyo shicibkiina, waxa kale oo aan leeyahay ciidamada Pakistan xuquuqda aadamaha ha dhawraan oo ha ilaaliyaan mana aha in la dulmiyo cid aadama ah, mana haboona in idinka la idiin isticmaalo shacabkiina, waxa kale oo ah wax laga naxo oo xun sida ay u dhaqmayaan ciidamada Pakistan iyo Afganistan oo ay Tv-yada caalamku ka soo tabinayaan muuqaalo khuseeya dadkoodii oo inta ay masaajidyada ugu galeen ay ololiyeen hadan xabad la dhacayaan. Waxa kale oo aanleeyhay culimada islaamka in ay ka hadlaan arimaha noocan oo kale ah ee ka dhacaya dunida gaar ahaan Pakistan iyo Afganistan.
Maraykanka iyo gaalada kale ee Afganistan Ciraaq iyo falastiin ku soo duushay ee dhibta u gaysanaysa Islaamka waxa aan uga digayaa cawaqibka ay yeelan karto falalka Argagixisada ah ee aad ku kacaysaan, waxa ay tani sababi kartaa in aad cadaw badan u abuurtaan dadkiina aanan waxba galabsan oo ku qaldan cashuurta ay bixiyaan ee sababtay inlagu soo duulo dadka muslinka ah.
Waxa an leeyahay kooxa xagjirka ah ee Muslinka ah ee qalalaasaha ka wada dunida dacaladiidana xasuusnaada in aanan dagaal rabsho iyo isqarxin lagu gaadhi Karin hadafkiina maanta oo ay dunidu tahay mid xaqdaro isku raacsan isla markaan uu cadawgiinu awood badan yahay, raadiya tab iyo xeelad kale oo tan ka soo dhow oo aad ku hanatan quluubta shacabka dunida idinka oo samir ku daraya waxa aad qabaysaan.
Sidoo kale waxansoo jeedinayaa in nabadu wanaagsan tahay oo ay haboon tahay in lagu wada noolaado nabad dunida dacaladeeda oo dhan, culimada islaamka ahi arintan ha ka hadlaan hana dhiiri gaaliyaan nabada iyo sidii loo heli lahaa, hana la daayo oo ha laga waantoobo dhiiga culimada islaamka ah ee karaamada badan ee lagu daadinayo Pakistan Afganistan Falstiin iyo dunida oo dhan
Rooda Cali Cilmi
Borama, Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waan Ka Argagaxay Waxa Ka Dhacaya Dunida Islaamka Ah By Rooda Cali Cilmi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback