Hargeysa-(Lug)-Fadhigii Golaha wakiilada ee maanta oo u balansanaa ansaxinta xubnaha cusub ee loo soo xulay komishanka doorashooyinka, ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey dhamaan todobadii xubnoodba.
Ansaxinta xubnaha cusub oo ay ogolaadeen 65 xubnood, halka aanu guddoomiyuhu coddeyn ayaa noqonaysa mid soo afjarta baqdin laga qabay in goluhu hor joogsado qeybo ka mid ah xubnahan cusub ee komishanka.
Todobadda xubnood ee loo soo xulay komishanka cusub, waxa ay kala yihiin sidan hoos ku xusan:
1. Maxamed Axmed Xirsi Geele.
2. Eng. Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn. Ciise Xamari)
3. Faarax Abiib Aadan.
4. Raabi Shariif Cabdi Maxamed.
5. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.
6. Cali-Khadar Xasan Cismaan
7. Cabdifataax Ibraahim Xasan.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansaxiyey Todobadii Xubnood Ee Loo Soo Xulay Komishanka Doorashooyinka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback