Hargeysa-(Lug)-Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin xisbigaasi ka tirsan ayaa shalay ka qayb galay xaflad lagu furayay xafiis cusub oo dhalinyarada iyo haweenka xaafadaasi kaga hawlgalayaan taageerada xisbiga Kulmiye ku leeyahay degmada 26-ka June.
Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen garabka dhalinyarada, garabka haweenka, waxgaradka iyo odayaasha degmada 26ka June, ayaa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo xafladan ka hadlay ayaa xukuumada talada haysa iyo xisbigeeda Udub ku eedeeyay inay faro- baas ku hayaan dhalinyarada, kuna tilmaamay in ay dhalinta mustaqbalkooda luminayaan, taas oo ay sabab uga dhigeen, in berayahan dambe Udub olole ballaadhan xaafadaha caasimada ka dhex wado, kharashaadna ku bixinayso siday dhalinyarada maskaxda uga bedeli lahayd, islamarkaana qaad, mukhaadaraad iyo laaluush u geynayso si ay u bartaan waxyaabahaasi
Sidoo kale waxa xafladan ka hadlay gudoomiyaha degmada, gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye ee degmada 26-ka June iyo xubno kale oo ka mid ah dhalinyarada, sheegayna sida ay uga xun yihiin talaabada xukuumada Rayaale iyo xisbigiisa Udub ka dhex wadaan dhalinyarada sidii ay u kala fogayn lahaayeen lacag iyo qaadna ku bixinayaan sidii ay ku kasban lahayd, taasna ay ku tilmaameen arrin laga naxo waxayna sheegeen in xukuumadu arrimahaasi ay uga dan leedahay inay mustaqbalka ka lumiso, balse ay dhalinyaradu taasi dareensan yihiin, gashaankana ku dhufteen xaafado ay arrimahaa ula tageen.
Ugu horayn xafladaas waxa khudbad kooban ka jeediyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa Md. Axmed Cumar C/llaahi (Xamarji), oo sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka xafladan degmada 26-ka June lagu qabtay, taas oo uu ku tilmaamay in qabanqaabadeeda ay leeyihiin dadweynaha degan xaafadaasi, tahayna meel taarikh ku leh dalka iyo halgankii la soo maray qayb libaaxna ka soo qaateen “aad baan ugu faraxsanahay ka soo qaybgalka xafladan ka masuul ahaan, waxaanan idiin soo jeedinayaa dadweynaha xaafada 26ka June sida aad u soo qabanqaabiseen xafladan, dareenkiina aad ku muujinaysaan taageerada aad u haysaan xisbiga Kulmiye, beri hore waxa dhacday oo la odhan jiray la iskuma jiree June-baanu nahay, maanta tii baa cadaatay, hormuud baad u ahaydeen halgamadii la soo maray ee dalka Somaliland lagu xoreeyay, anagu xisbi Kulmiye ahaan inaanu horumarino waxbarashadiina, caafimaadkiina iyo wax qabad run ah ayaanu balan-qadaynaa Insha Allaah, waxaan idiin sheegayaa waad arkaysaan Udub iyo xukuumadu lacagta ay ku bixinayso dhalinyarada ee ay mustaqbalkooda kaga ciyaarayso, taasna laguma gaadho meel, anagu xafladan qiimaha leh ee lanagu soo casuumay $1dolar kumaanu bixin ee waxa soo qabanqabiyey oo isku soo duba riday waa dadka xaafadan degan. Hadaba waxa imika aynu galaynaa sidii maamulkan loo bedeli lahaa doorasho dhacda, intaas baa inagaga hadhay” sidaas ayuu yidhi Axmed Xamarji Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa.
Gudoomiyaha ololaha ee gobollada galbeedka Somaliland ee Xisbiga Kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe oo xafladan khudbad kooban kooban ka jeediyey ayaa ku eedeeyay maamulka Rayaale ee talada wadanka haya, in ay wadaan barnaamij qaldan islamarkaana lagu baa’biinayo dhalinyaradii mustaqbalka dalka ee bari, timaamay in arrimahaasi ay yihiin falal naxariis daro ah oo dhalinta mustaqbalkooda lagu waydaarinayo laaluush iyo lacago la dhex dhigo si loogu mashquulinyo, waxana uu intaa ku daray in iskaa wax qabad kale’e safiradii wadamada dibada dalak u matalayey ayaa ku dayacan oo darxumaysan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Xukuumadii iyo xisbigeeda Udub waxay u soo jeesteen inay dhalinyaradii lacago ku soo dhex tuuraan, islamarkaana taa lagu doonayo in mustaqbalka lagaga ciyaaro oo ay baa’biiyaan halkii wax looga qaban lahaa, markaa mustqbalkii dhalinyarda ayaa la baa’biinayaa taana raali kama nihin wax aanu aqbalaynana maaha, waxaan leeyahay xukuumada laaluushka iyo musuqmaasuqa wada waa arrimhii Maxamed Xaashi Cilmi, ka hadli jiray hantida la lunsaday, waa lacagtii ummada wax loogu qaban lahaa, waxaan idiin sheegayaa dawlada Safiirkeedii joogay Paris ee matalayey wadanka waxay u diri kari wayday woxoogaa kharash ah oo dhakhtarkii uu ku jiray ayuu ka soo qaylinayaa oo darxumo ku haysaa, bal maxaad u malayn wax kale oo ay qabato” ayuu yidhi Baashe Cabdi Gaboobe guddoomiyaha ololaha gobolada Galbeedka ee Kulmiye.
Madaxa olalaha doorashada ee xisbiga KULMIYE ee gobolada barriga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo xafladaasi ka hadlay ayaa waramay barnaamijkooda siyaasadeed ee ay dalka ku dhaqi doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu tilmaamay inay dhalinyarada oo ah mujtamaca ugu badan Somaliland ay abuuri doonaan fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh, waxaanu xukuumada Rayaale ku tilmaamay mid ku fashilantay hoggaamintii dalka, taasi oo uu tilmaamay inay fure u noqotay in dhalinyaradu ay ku dhamaadaan xeebaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.
Dr. Gaboose wuxuu taagereyaashooda caasimada Hargeysa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka si dalku u helo maamul wax ka qabta xaalada dalka, waxana uu yidhi “Walaalayaal xukuumadani doorasho been-beena oo dimoqraadiyadii la cabdhinayo waa saambal noocaas ah ayaa ka socota, miyaynu ogolaanaa, waa maya, ma raadkeenii baynu dib u raacnaa? Waa maya, hadaba xaqiiqda dhabta ahi waxa weeye in la fahmo waxa socda, waxaan idiin sheegayaa Ceerigaabo iyo Burco waa laga soo laalaabay Udub iyo sumcadeedii, markaa xisbiga Kulmiye ee qaaliga insha allaah bedel wanaagsan. Dhalinyaradii waad arkaysaan inay badaha ku isku turayaan”
Sidoo kale waxa xafladan ka hadlay Md.Axmed Muxumed Madar, oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ayaa ka xog-waranka xaalada dalka ka sokow, xukuumada Rayaale ku eedeeyay inay qaybo ka mid ah dhalinyarada ay sifo sharci darro ah ugu qeybinayso lacago si ay u majaro habaabiso bulshada oo uu xusay inay xilligan ka qanceen maamulka xukuumada Rayaale.
Waxaanu sheegay in dhalinyaradu ay tahay mustaqbalka iyo xoogga bari talada dalka qaban doona, tilmaamayna in wakhtigan xaadirka ah dhalinyaro badan oo reer Somaliland ahi ay dalka ka tahriibeen islamarkaana baddaha ku dhamaadeen in badani, inta joogtana xukuumada talada haysaa ka dhex wado isku dayo ay ku doonayso sidii ay mustaqbalka uga kharibi lahayd islamarkaana waxyaabo aan loo baahnayn ay ku isticmaalayso sidii ay hiigsashada khadka mustaqbalka uga weecin lahayd, ka mid yahay mukhaadaraad iyo iwm, waxanu yidhi “Dhalinyaradu waa xoogii dalka, waa mustaqbalkii beri, waa ogtihiin in dhalinyaradii dalka ka baxday ay baddaha ku dhamaadeen, intii joogtayna waxay ku wadaa inay maskaxda ka bedesho oo ay laaluushka iyo qaad barto oo mustaqbalka ka dumiso, markaa dhalinyarooy waxaan leeyahay waxay doonayaan inuu maskaxda idinka bedelo ee isbedel siyaasadeed ayaa inaga go’an oo la helo”
Mr Jiir Cali Madoobe oo ayaa isuguna sheegay in xisbiga Kulmiye yahay ka kaliya ee cadaalada ugu dhow, isaga oo ugu baaqay dadweynaha in talada dalka loo doorto Kulmiye uu hogaamiyo, waxana uu sheegay in Xisbiga Kulmiye ay taalo aqoontii iyo caqliyadii saliimka ahaa, halka uu shasiyaad kale oo Udub ka tirsana ku tilmaamay in aanay halkaa joogin aqoon iyo waxgaradnimo midna, waxana uu yidhi “ waxaan idin kula talinayaa in xisbiga Kulmiye ay cadaalad iyo aqoontii dalku ku ururtay lana dorto Xisbiga Kulmiye, waxaan taaganahay Kulmiye oo caqliyadii iyo aqoontii joogto, waa Maxamed Xaashi, Gaboose, Muuse Biixi, Abiib Timacade, Maxaed Cabdi Iskeerse iyo qaar kale oo badan, udub waxba ma yaalaan ma la isku doorsan karaa kuwaa aan soo sheegay iyo Cali Gobanimo iyo C/llaahi Ciro, tirade yare e reerkayaga ah eek u sii hadhsan Udub waxaan u sheegayaa waxaan joogaa xisbigii Kulmiye ee dalkan hogaamin lahaa, waxba halkaa idiinma yaalaan” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay xubno ka tirsan dhalinyarada degmada 26-ka June ee xisbiga KULMIYE kuwaasi oo si adag u naqdiyay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB oo ay ku sheegeen muddo dheer oo ay dalka ka talinayeen inaanay waxba soo kordhin.
Jibriil Jaamac oo ka mid ah dhalinyarada degmada 26ka June, ayaa xafladan ka tiriyey gabay ka turjumayay waxtar la’aanta iyo tayo xumada xukuumada Rayaale iyo khasaaraha ummada soo gaadhay intii uu talada dalka hayey.
Haatuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiga Kulmiye Oo Si Kulul Ugu Eedeeyay Udub Lacago Ay Iskaga Hor-Keenayso Dhalinyarada "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback