Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta uu u magacaabay Wasiir ku xigeen cusub Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL.
Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu u leedahay dhismaha qaranka iyo dalkaba, isla markaana isagoo madaxweynuhu aqoonsan baahida weyn ee loo qabo, buuxinta jagada wasiir ku xigeenka wasaaaradaas, waxa uu u magacaabay mudane Cabdi Yuusuf Aadan in uu ahaado wasiir ku xigeenka wasaaradaas, laga bilaabo maanta 25/10/09.
Waxana uu madaxweynuhu ku amray Mudane Cabdi Yuusuf Aadan oo uu ku qancay kartidiisa aqooneed, in uu xilka loo igmaday ee wasaaradaas uu si karti leh uga soo bixi doono, isla markaana uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilkaa cusub ee loo magacaabay.
Allaa Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynaha S/land Oo Wasiir-Ku-Xigeen Cusub U Magacaabay W/Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback