Cali-Asad oo qorshaynaya inuu u digo-rogto xisbiyada mucaaradka

Hargeysa-(Lug)-Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si kedis ah shalay xilkii uga xayuubiyey Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cali Xasan Maxamuud (Cali-Asad) mid cusbna u magacaabay.

Sida lagu sheega warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada shalay, waxa lagu caddeeyey in Madaxweyne Rayaale xilkii Badhsaabka Hargeysa ka qaaday Mr. Cali-Asad oo ay saaxiibo dhow ahaayeen, isagoo jagadaasna u magacaabay Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud oo hore uga tirsanaa urur-siyaasadeedkii QARAN, balse isagu dhowaan ku biiray xisbul-xaakimka talada ee UDUB.

Warsaxaafadeed madaxtooyada oo aan wax tafaasiil ah ka bixin asbaabaha xil-ka-qaadiska Cali-Asad iyo arrimaha ay Madaxweyne Rayaale isku seegeen, waxa uu u qornaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta [shalay] xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex, Cali Xasan Maxamuud (Asad), isla markaana waxa uu magacaabay Gobolka Maroodi-jeex Guddoomiye cusub.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay muddadii uu shaqaynayey iyo hawlihii uu gobolka ka qabtay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cali Xasan Maxamuud (Asad), waxaannu u rajeeyey in sidii horeba xilka loogu wareejiyey in uu si niyad-sami ah oo kalsooni ku jirto uu xilka Guddoomiyenimo ee Gobolka Maroodi-jeex ugu wareejiyo Md. Maxamed Cabdi Daa’uud oo uu u soo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu waxa uu faray Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha in sida ugu dhakhsaha badan xilka ugu kala wareejiyo.”

Inkasta oo aan warsaxaafadeed lagu xusin arrimaha keenay in waqtigan xasaasiga ah Madaxweynuhu shaqada ka caydhiyo mid ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee xukumadiisa, hadda sida ilo xogogaal ah tibaaxeen waxa tallaabadani ka dambeysay khilaaf cirka isku shaeeray oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Rayaale iyo Cali Xasan Maxamuud (Cali-Asad) kaas oo la sheegay inuu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo maamulka hawlgallada taageero-doonka xisbiga UDUB.

Dhinaca kale, Badhasaabka xilka laga qaaday Mr. Cali Asad ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu qorshaynayao sidii uu ugu digo-rogan lahaa mid ka mid ah labada xisbi mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID, kadib markii uu quus ka joogsaday inuu ka sii mid ahaado xukuumadda Rayaale iyo xisbigeeda UDUB.

Xilka qaadistana waxa la sheegay inuu isagu ka dalbaday madaxweyne Rayaale, taasi oo madaxweynuhuna ka aqbalay, iyada oo xilka qaadistiisana ay soo dhaweeyeen xisbiyada mucaaridka ah ee dalka ka jira oo si weyn uga caban jiray wakhtigii uu ahaa badhasaabka awooda badan ee Gobolka Hargeysa.

 

Jamhuuriya Online