soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-1.jpgStockholm-(Lug)-Ku dhawaad sanad markii ay kasoo wareegtey dhagaxi ugu horeyey ee lagu seerey Hoygi Mustabalka Aqooneed ee loogu magac Darey Dugsiga Geb Secondary Boarding
 School, ayaa waxa dalada ku bahowdey Ururka Iqrasweden si sharaf iyo maamuusi ku dheehan tahey ku casuuntey shir Dr. C/raxmaan Du’aale Beyle oo ah agaasimaha dugsiga Geb Secondary boarding School ahna second vice president African Development Bank.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-1.jpg

Shirkas oo si heer sare ah loo abaabuley oo ka dhacey qolka shirarka Akalaby oo ku taala xaafada Kista ee magaalo madaxda wadanka Sweden Stockholm , halkaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan dalada ku bahowdey IQRASWEDEN iyo marti sharaf kale oo badan.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-2.jpg

Hadaba furitankii shirka ayaa waxa si qoto dheer uga hadley Gudomiyaha Ururka IQRASWEDEN Sh.Magan Ibrahim isagoo sheegey wacyi farista ugu wanaagsan ee dadka laysugu yeedha inay tahey kalaamka ilaahey iyo sunnihii nabigeenii (swc) balse shirkani yahey mid cilmi leh oo waxtar weyn u leh mustaqbalka dadkeenii iyo dalkeeniiba isaga oo si kalsooni buuxda leh u sheegey sida baaxada leh ee uu gaadhey ururku mudadii yareyd ee uu jirey iyo himilooyinka uu tiigsanayo oo ay ka mid yihiin in inaga oo isu duuban loogu qabto dadkeena wax alle iyo waxii horumar iyo tacliin ah.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-3.jpg

Waxuna gudoomiyuhu marti sharafta si waadax leh u umujiyey dareenka weyn ee reer Sweden u hayaan imaatinka Dr. C/raxman Beyle iyo mowqifka taageerada leh ay la garab taagan yihiin marwalba.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-7.jpg

Ka dib inta waxa hadalka lagu soo dhaweeyey Sheekh Cismaan Du’aale oo ah Gudomiyaha ururka IQRA foundatoin ahna asaasayaashii ururka IQRA,  isagoo si balaadhan u sharaxey bahidi ku kaliftey asaasida ururkan iyo sababaha uu ilaa heerkan u soo gadhey ururku isago carabka ku dhuftey in dhibaato weyni ka iman karto hadii la badbaadin kari waayo maskaxda caruurteena soo koreysa la inooga baahan yaheyna in aynu.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-4.jpg

Si duuban oo isu filnaasho leh ugu hurno waxqabadka iyo aqoon helista dhalinteena ku nool xeebaha gobalada salal/awdal.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-5.jpg

Ka dib Sheekh Cismaan waxuu hadalka ku soo dhaweeyey si sharaf leh Dr. Beyle oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyey dhamaan IQRASWEDEN waxuna ilaahey uga mahadiyey isu duubnida iyo wada shaqeynta ururka oo uu ka arkayo taas oo uu yidhi waxey igu sii dhalin doonta karti badan ka shaqeynta badbaadada dadkeyga iyo dhulkeygaba, Dr C/raxman waxa kale oo uu halka ku soo bandhigey mashruucyadii u qabsoomey intey ku gudo jireen dhismaha GEB Secondary Boarding School iyadoo aad loogu riyaqey sawiradii muuqaalka wanaagsan lahaa ee u qabsoomey iyo natiijooyinkii laga gaarey aasaasidii mashruucan.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-6.jpg

Hadaba gacmo wadajir bey wax ku gooyaane waxan idinku boorinayaa inaad integratoin la sameesaan dadka dhulkan leh kana faa idesataan intad joogtaan cilmi ahaan iyo dhaqaale ahaan ba si inaga oo mideysan wax ugu qabano dhalinteena soo koreysa ee inooga baahan iftiinka aqooneed ayaa hadaladiisi ka mid ahaa isagoo taabtey dareenkii Dr.Beyle ku dhaliyey 8 sano horteed inuu wax u qabto dadkiisa ku nool xeebaha Gobolada Salal/Awdal waxana uu yiri markaan arkey iney baahidu aheyn uun in lays quudiyo  ayaan ku fakaray inaan raadsho sabab kale oo looga bixi karo baahidan iyo inay waajib igu tahey oo iga go an tahey in aan ka shaqeysiiyo maskaxda dhalinta ku nool dhulkeenaas, waxaanu balan qaaday Dr.C/raxmaan Du’aale Beyle inu u huri doono waqti badan  ka shaqeynta soo kobcinta caruurteena ku nool dhulka xeebaha ah ee manaafacaadka badan leh.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-5.jpg

Isaga oo yidhi wadamada Botuswana iyo Namibia waa wadamo aad u qani ah waxayna ku jriaan wadamada aan kala shaqeeyo firkado badan, waana wadamada kaliya ee aan taaban dhibaatadan dhaqaale ee aduunka maanta sameesey marka la eego Africa, ayaan waxan xasuusta marwalboon tago dhulkaas dhulkeygan qaniga sidiisa oo kale ah iyo riyada aan rabo inan ka dhabeeyo jecelaheyna inaad ila dhabeysaan IQRASWEDEN waayo ayuu yidhi dhawr sano dabadeed waxan heleyna ka badan 3000 oo ardey oo qualified ah kuna xisaabtanta qeyraadka dhulkooga ku jira iyagoo hadii mustaqbalkooduna illaahey noola garab galo aanu la rabno inay noqdaan qaarkood safiirada u fadhiya Somaliland/Djibouti aduunka oo dhan.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-8.jpg

Waxaana u samixi doona ardeydaas manhajyada dugisga oo noqon doona luqadaha English/arabic/french/somali,  waxanan ka heley  balanqaadyo badan  hay’ado iyo ashqaas badan.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-9.jpg

Waxa kale oo halka ka hadlay aqoon yahan Muuse Kaahim iyo Aqoon yahan C/kariim Axmed Cige iyo dhalinyaro kale oo ay ka mid yihiin Maxamed Cilmi Boqore iyo cabdow xaaji oo ka mid ah dhalinyarta ku nool wadanka Sweden kana mid ah xubnaha Ururka IqraSweden.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-10.jpg

Ka dib intaa waxa si aan loo kala hadhin loogu deeqey mashruucaas waxtarka u leh dadkeena lacag gaadheysa 10,000 dollar iyado inta aan ka so qayb galina ee ku jira ururka IQRASWEDEN loo baahan yahey inay nagala soo qayb galaan waajibka inaga saaran inaynu daboolno baahida ay u qabaan ubadkeena aqoon heer sare leh.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-11.jpg

Waxana mahadle leh dhamaan ka soo qeyb galayaashii sida wanaagsan iyo waqtigoodaba ugu hurey shirkan qaasatan isu duwayashi shirka -

Gud:- Sheekh Cismaan Du’aale
Gud:- Sheekh Magan Ibraahim
Cabdikariim Axmed
Jamaal Cali Osman
Cali ismail Awdahir iyo Osmaan Suleiman Warsame oo ah xubno ka tirsan IqraSweden.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-12.jpg

Habsami u qabsoomida shirkan ayaa waxa kale oo xasuusid mudan in dumarka ku nool Stockholm ee IqraSweden ay aad ugu shaqeyeen soo dhaweynta iyo waxqabadka weyn ee ay la garab taagan yihiin markasta iyagoo u baaqey dumarka kale ee IqraSweden inay kala soo qeyb galaan wadashaqeynta horumarka dadkooda.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden-13.jpg

Sidoo kale gudida ururka Iqra Sweden waxey mahad u dirayaan dhamaan intii kala qeyb Mahad gaar ah:- xubanaha ka kala yimid gobolada  Jönköping, börläge, södertälje, orobro, linköping, göteborge, västrås.

soo-dhawayntii-drbayle-ee-sweden.jpg

Axmed C/raxmaan Dheere
readsweden@ymail.com