Hargeysa-(Lug)-Guddomiyaha golaha guurtida Salaabeen Maxamuud Aadan ayaa masuul cusub u magacaabay jagada la taliyaha dhinaca arrimaha bulshada ee golaha guurtida ka dib markii la taliyihii hore ee golahaasi C/raxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood uu ka mid noqday xubnaha  komishanka doorashooyinka cusub ay u magacaabeen ee maalintii Sabtidii dhaweyd golaha wakiiladu ansixiyeen.

Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la sheegay inuu maalintii shalay inuu si rasmiya ugu magacaabay jagadaasi banaanayd ee la tilayaha arrimaha bulshada golaha guurtida, inuu ahaado Siciid Cali Giir oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka Sool, kana mid ahaa saraakiishii milatari ee ka soo qaybqaadatay inqilaabkii Somalia ka dhacay lixdameeyadii ee uu horkacayay Muj Xasan Kayd ee lagu doonayay gooni isu-taaga Somaliland.

Golaha guurtida ayaa sidoo kale leh la taliyeyaal dhinacyada shuruucda, dhaqaalaha iyo siyaasada kala talisa, waxaana la taliyaha dhinaca shuruucda ee golaha gurtida ku magacaaban Jaamac Cilmi Xaashi, oo isagu so maray xeer ilaaliyaha guud ee qaranka halka uu la taliyaha siyaasadana ku magacaban yahay Maxamed Diiriye oo ahaa xildhibaankii kursiga golaha guurtida uga tanaasulay gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan halka la taliyaha dhaqaalahana uu yahay Aadan Cabdi Xuseen.  

Haatuf