siminaar3.JPGBorama (Lug) masjid jaamaca Borama ayaa waxa ka socda Siminaar diineed ka kooban 9 muxaadaro oo ay jeedinayaan culimada waawayn ee Somali Land.

nadwadan oo bilaabantey Axaddii inna dhaaftey ayaa la soo gebo gebeyn doonaa khamiista innagu soo foolle, waxaana soo qaban qaabiyey machadka barashada diinta Islaamka iyo culuunta Carabiga ee magiciisa la yidhaa Zaylac kuna yaal magaalada Borama.

siminaar3.JPG

Maamulaha machadka Zaylac Sh. Xasan Khayre Dirir oo Lughaya News uga warramey nadwadaasi diiniga ah ayaa sheegey in looga danleeyahay in dadka lagu wacyi geliyo barashada diinta islaamka iyo fahanka nuxurka shariicada islaamka oo ah mid dhamaystiran una suubban goob iyo goor kasta.

siminaar.JPG

Nadwadan oo la baxday dhamaystirnaanta shariicada Islaamka (Shumuuliyatul Islaam) ayaa waxa uu sh. Xasan Sheegey iney ka  qayb qaadanayaan culimo rug caddaayo ah oo magac kule S.Land gudaheeda, waxaana ka mid ah buu yidhi culimadaasi, Sh. Cabdi Lahi Sh. Cali Jawhar, Sh. Maxamad Yusuf Cabdi, Sh. Maxamad Cumar Dirir, Sh. Maxamad Cabdi Xasan ( Shiine), Sh. Cilmi Ismaaciil Maxamad ( Naxwe), Sh. Yuusuf Adan, iyo Sh. Cali Adan Nuur.

siminaar-4.JPG

Sh. Xasan mar uu ka jawaabaya sobobta ay masjidka ugu qabteen Siminaarkan ayaa waxa uu sheegey in ay ujeedadu aheyd in inta u badan ee suurto gel ah la gaadhsiiyo nadwadan muhimka ah, wuxuuna sheegey in si wayn looga soo qayb geley rag iyo dumarba islamarkaana ay dadwaynaha magaaladu aad u daneeyaan barnaamijyada noocan oo kale ah.

Sheekhu waxa kale oo uu sheegey in gellinka danbe ee khamiista innagu soo aaddan la soo gebo gebeyn doono barnaaminkan laguna soo afjari doono su`aalaha dadwaynaha oo ay ka jawaabi doonaan culimadii muxaadarooyinka soo bandhigtey.

siminaar-2.JPG

Sheekhu waxa kale oo uu sheegey in uu machadkiisu qalab casri ah u adeegsanayo tebinta muxaadarooyinka, iyada oo buu yidhi si toos ahna looga dheehan karo nadawan barta Internetka.


Zakariye Xuseen-Quulle
Lughaya News- Borama