Raga falalkaasi Fuliyay Somalilanders baa u badnaa, dad kalena way inagula jireen waad ogtihiin inay qaar inaga mid ahi Koonfurta (Somalia) ku maqan yihiin” Madaxweyne Rayaale
“Anagu Xadku wuxuu noo Dhaxeeyaa Somalia, dal iyo reerna isma qabsadaan. Markii hore waxa jirayn uun Somaliland iyo Somalia dal sadexaad kuma dhex jirin” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qeyb galay xaflad  xus ah oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa, oo lagu  maamuusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay sadexdii qarax ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hargeysa 29-kii October ee 2009-kii, oo ay ku dhinteen 24 qof, halka ay sodameeye kalena ku dhaawacmeen. Qaraxyadaasi oo lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, xafiiskii ganacsi ee dawlada Itoobiya iyo Xaruntii Haayada UNDP.

Xafladan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiiro, culimo tiro badan, qaar ka mid ah eheladii dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, hase yeeshee waxaan ka soo qeyb galin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo shirgudoonada labada aqal ee baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweyne Rayaale, oo xuskaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Kulankani wuxuu ka turjumayaa inaan xusuus u sameyno wixii qarankeena ku dhaca oo qaraxyadani ay ahayd tii ugu darnayd. Dhacdadani waxay ahayd mid lala beegsaday qaranimadeena waliba xili xasaasi ah, oo ay ugu tallo galleen illaahay kama aqbaline  in Somaliland halkaasi ay ku dunto oo lagu kala tago, maalintani waxay noqon doontaa maalmaha aynu xasuusano, waayo waa inaynu dadkeena xasuusinaa wixii ku dhaca.”

“Ragga falalkaasi Fuliyay Somalilanders baa u badnaa, dad kalena way inagula jireen waad ogtihiin inay qaar inaga mid ahi Koonfurta (Somalia) ku maqan yihiin oo ay falalkii inaga la inagu fuliyay ku tilmaameen qaar xaqa run ahaan waxa caalamka Islaamka ka soo baxay fidnad diinta laga fidnaynaayo, waxa inala gudboon inaynu habka loola dagaalamayo kaga dayano dalalka Islaamku siday ula dagaalamayaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaasi ku daray, “Kutub la akhriyo ayaanu hadda haynaa oo aayadaha iyo axaadiista badhna laga tago badhna la soo qaato oo la leeyahay jihaad baad ku jirtaaye xataa Aabahaa iyo Hooyadaa haddii aad disho waa kuu xalaal, markaa dagaalkan inagu socda ma aha in laga aamusee waxa loo baahan yahay in laga hadlo. Culimada waxaan u soo jeedinayaa inaynu sameyno fadwo diini ah, oo Wasaarada Diintu ay hormuud u noqoto, oo fadwadaasi lagaga hadlo dagaalkan diin la’aanta ummadeena u horseedaaya.”

Md. Rayaale wuxuu u mahad naqay dawlada iyo Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay inay gacan weyn ka geysteen dawaynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi oo intii dhaawacoodu cuslaa loo qaaday dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu  sheegay inuu beesha caalamka ugu baaqayo in nabadgelyada Somaliland oo la adkeeyaa ay dan badani ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka dariskaba sida Itoobiya, Jabuuti iyo dalalka kale ee ku yaala mandaqadaba.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka waranka xuska maalintan ka sokow ka hadlay hadalo ka soo yeedhay saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan ka hadlo nin Congress- men ah oo shalayto hadlay oo yidhi maamulada Somaliland iyo Garoowe ayay dhibaato u dhaxaysaa. Waxaanu u sheegaynaa Anagu xadku wuxuu noo dhaxeeyaa Somaliya, dal iyo reerna isma qabsadaan. Markii hore waxa jiray uun Somaliland iyo Somalia dal sadexaad kuma dhex jirin. Waxa kale oo aan ka hadlayaa nin qaramada midoobay ka tirsan oo yidhi Dawlada Shariifku nabad gelyo ayay ku talaabsatay, Anagu meeshaasi nabad gelyo kuma aanu arag, malaa nabad gelyada waxa uu  u yaqaanaa markay madaafiicdu badato.”

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh. Maxamuud Suufi Maxamuud, culimo kale iyo Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, kuwaasi oo ka waramay sida loogu baahan yahay in bulshada looga digo wixii ku kacaya falal argagixiso.

Dhinaca Kale waxa isaguna xafladaasi ka hadlay sarkaal ka socday Haayada UNDP.

 

Ramaas