Hargeysa-(Lug)-Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa sheegay in madaxweyne Rayaale ay xaga afkaarta ku kala duwanaan karaan, balse ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo isagoo intaa ku daray in komishanka doorashooyinku ay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay dooashada madaxtooyadu qabsoomayso, kana digay dibu dhac dambe oo ku yimaada doorashada.

Gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan oo Saxaafada  ugu waramayey guriisa magaalada Hargeysa ayaa xog-waran kala yeelanay ujeeddada safarkiisa maanta uu ugu baxayo dalka UK oo uu sheegay in safarkiisu yahay isaga u gaara ayaa ugu horayn gudoomiye Saleebaan oo aanu wax ka weydiinay khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Rayaale isaga in khilaafkaasi saamayn ku yeelan karo hawlaha qaranka, isaga oo arrinkaas ka hadalayana waxa uu yidhi “Kolay aaraada waa lagu kala duwanaanayaa laakiinse waxa muhiim ah oo waajiba in la wada shaqeeyo, madaxda qarankana waxa ku waajib qaran wada shaqayntoodu”

S. Komishanka doorashooyinka ee dhaartoodii xilkaasi loo dhaariyey ee labadiina gudoomiye baarlamaan aan madaxweyne Rayaale idinku martiqaadin, sideed u aragtaa?

J. Komishanka doorashooyinka waxaan ugu baaqayaa inay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay doorashada madaxtooyadu qabanayaan, iyadoo dhawr jeerna ay doorashayoonku ay dib u dhaceen, waa inay ka feejignaadaan dibu dhac dambe oo dalka gayeysiin kara khilaafaad sababi kara burbur, waxaanan kula dardaarmayaa inay xaq-soor iyo cadaalad ku gutaan waajibaadkooda iskana ilaawaan hay’adihii iyo axsaaabtii soo kala magacawdayna, xubnaha hogaamintoodana aanay ku dooranin sidii loo soo kala magacaabay, balse ay u doortaan inay u doortaan qofkii ay u arkaan inuu ka soo bixi karo hogaamintooda.

Haatuf