Doorashada laamanaha nolosha kula gelayaa waxay u baahan tahay inaad  waqti badan u hurtid  sidii aad ku xulan lahayd, waayo inaad qof barataa maaha wax culus balse waxa haboon inaad  ku dedaashid qofkan aad wada xidhiidhaysaan inuu yahay qofkii kugu munaasibka ahaa, maxaa yeelay waxaan arkay maahmaah  ay inta badan dhalinyardu adeegsato oo leh( qof saacad ku baran waydid, sanad kuma baratid) odhaahdan ayaa ah mid ay dhalinyadu u fasirteen si aan ahayn sidii loogu talo galay, waayo inaad qofka maalin baraa waa caadi laakiin waxaa jira sadex hab oo aad qofka xaqiiqadiisa ku heli kartid, waxayna kale yihiin

A. inaad safar la gashid
B. inaad soor la cuntid
C. inaad sar(guri) kula noolaatid

Xikmadahaasi ayey dadkii hore ee caqli badanaa ku sheegeen inaad qof kastaa oo aad rabtid inaad ogaatid waxuu yahay aad ku baran kartaa,laakiin dadka manta jooga qaar badan oo  ka mid ah  hadii aad waydiisid qofkan ay wada socdaan wax ku saabsan noloshiisii hore ama qaraabadiisaba, ma dhacdo inaad ka heshid jawaab aad ku qanci kartid,  iyagoo  kuu sheegayaa  inaanay jirin, sabab ay u waydiiyaan, (anigu qofkan waan bartay, magaciisa iyo telefoonkiisana waan hayaa, inta badan oo waqti aanu kulano ama wada hadalno waxaanu ka sheekaysanaa arimaha anaga noo dhaxeeya,xataa ma jecli in uu  waqtiga igaga qaado  sheeko ku saabsan arimaha familkooga”taasi waxay ahayd samiira oo ka hadalaysay  dookha ay jeceshay inuu noqdo qofka ay rabto inay la wadaagto nolosha, samiira oo hadalkeedii sii wadataana waxay intaas ku dartay( dee kolay hadii aanu is guursanoba dani way igu kalifaysaa inaan ka war hayo qoyskooda, laakiin waqtigan taagan  intaas igaga filan”.
 
Hadaba akhriste waxaa hubaal ah in aanay qurux badnayd inaad qof walba waydiisid waxaa khuseeya noloshiisa gaarka ah balse inta badan qof aad xidhiidhka dhow leedihiin dad kale wuu kaaga sokeeyaa sidaas darted waxaa fiican inaad si qota dheer aad qofkan u baratid,waa suurta gal inaydan calaf isku yeelan laakiin hadana inaad dhigaaga bartaa ceeb maaha, dabcan wax kastaa way dhici karaan sida idinka oo wada socda oo ay dhibaato ku dhacdo ama ay cid kale isku dhacaan , markaa inaad dhan kastaa fiiro u yeelataa waa munaasib.( anigu hortaba ma barto gabadh aan garanayn cida ay tahay, oo xataa hadii aan gabadhaas ka helo,  waa inaan reerkooda arkaa, gurigooda bartaa  bal si aan u ogaado  inantan aan damcay  halkay ka soo baxdo, si aan marka horeba  uga sii gaashaanto dhib aan dib ka ogaan lahaa, oo hadii guriga inantaasi uu yahay mid aan ku qanco, shaki kuma jiro in aan iyadana ku qanci doono”kaasina waa cumar oo  noo sheegayey habka uu ku dooran lahaa inanta uu  damco inay la noolaato,cumar waxuu intaas ku daray(berigii hore guurka waa la hidde raaci jiray , hada markaan eegtidna waa habkii ugu fiicnaa ee bulshada soomaalida oo dhami mar soo martay , marka anigu waxaan aad u doorbidaa in guurkaygu ku salaysnaado hide raacii dadkii hore samayn jiray”.

Dabcan ogaanshaha  dhowr qaybood oo ka mid ah dabeecadaha qofkan aad la jeclaatay in aad la qaadatid noloshaada inta ka dhiman, waa arin aad u muhiin ah oo adigan kuu fiican isagana caawin kartaa, oo hada markaad  sii baratid ugu yaraan waxaa uu jecelyahay ama waxa uu neceb yahay, waxay kuu sahalaysaa inaad hadhow waa hadii aad is calfataane aad ka ilaalin kartid, balse qof aadan aqoon waligaana arkin hadii u nolasha kula soo galo, dhamaanteed waxay noqonaysaa inaad hada eber ka soo bilowdaan oo aad dabcan la kulantid waxyaalo badan oo aan ku raali gelin, hadana waa nasiibkaaga ee waxaa la rabaa inaad ku dedaashid intii aad awoodid inaad samaysid sidii aad adiga iyo qofkani isku waafajin lahaydeen hab dhaqankiina iyo dabeecadihiina, maxaa yeelay waxaan qabaa inaad qofkan isku hadaf tihiin kaasi oo ah mustaqbal wanaagsan sidii aad u samayn lahaydeen, dabcan waad wada garanysaan inay waxkastaa leeyihiin bar bilow oo ah kalsooni iyo isfahan iyo waliba bar dhamaadka oo ah ixtiraam iyo is afgarasho”sidaas darteena loo baahan yahay inaad xisaabta ku darsatid wax kasta oo caqli bini-aadam ka suurti karaa inaad kala kulantid  wax la wado  ogsoon yahay in nolosha mustaqbalkaaga ah ay kaaga daran tahay imtixaan aad galayso …………..  waa in loo babac dhigaa khatarta kugu soo fool yeelan karta iyo ……..

 lasoco qormada labaad haduu Rabi idmo maalmaha soo socoda
 
 
Wariye:-
Sucaad Ismaacil Maxamed (Sucaad Sharaf)
Lughayanews-Hargeysa