Sanca-(Lug)-Waxa maalmahan dib u furmay sannad dugsiyeedkii 2009/2010 ee Dugsiyad Hoose ee dalka Yemen kadib markii dib u dhac ku yimid waqtigii ay gali lahaayeen ee caadiga ahayd oo ahayd 15/09/09 iyadoo laga cabsi qabay xanuunka hargabka doofaarka H1N1 la yiraahdo war ka yimid wasaarada caafimaadka iyo deegaanka awgii kaasoo sheegaayay in uu jiro amma lagu arkay xanuunkaasi dalka Yemen taasina waxay keentay in dib loo dhigo galitaankii guud ahaanba dugsiyada hoose ee dalka Yemen
Maalintii sabtidii ee bisha 31/10/09 ayaa loo gartay inay noqoto sannad dugsiyeedkii 2009/2010 ee dugsiyadaasi hoose iyadoo ay barbar socdaan shuruudo tigtoonaan badan oo laga qabo inuu ku faafo ardayda dhexdooda si looga hortago xanuunkaasi hargabka doofaarka H1N1 kaasoo far ba,an ku haya waddama saboolka ah
Galitaanka sannadkan ee dugsiyada hoose ayaa ah mid aanay ardaydu si farxad leh ugu kulmin goobaha ay iskugu yimaadan waqtiyada raaxada amma nasashada sabatuna waxay tahay wasaarada caafimaadaka iyo deegaanka ayaa waxay ardayda ku amartay inay joojiyaan salaanta inta badan dhexmarta ardaydii kala raagtay iyagoo looga baqayo inay isqaadsiyaan xanuunkaaasi arrintaasoo arday badan ay u hogaansameen qaarna ay kasoo horjeesteen iyagoo ilaahay talo saaranaya
Dalkan Yemen oo ah dalka ugu hanti yar waddamada Bariga Dhexe ayaa hore ugu jiray dagaalo dhexmaraya ciidamada dawalda iyo jabhadda ka soo horjeeda ee Xuuthi la yiraahdo deegaano katirsan gobolada Sacdaiyo Camraan ee dhanka waqooyi ee dalka waxan hadda ugu biiray dagaal kale oo xagga caafimaadka ah oo ah cudurka xun ee hargabka doofaarka H1N1 kaasoo ay la tacaalayaan sidii ay u xakamayn lahaayeen amma u takoori lahaayeen
Wasaarada Caafimaadka iyo deegaanka ayaa il gooni ah ku haysa amma la socota Dugsiyada Hoose ee dalka iyo guud ahaanba meelaha dadku ku kulmaan ee suuqyada ah waxana dadka loo jeedinayaa wacyi galin iyo barnaamijyo gaar ah oo kusaabsan xanuunkaas iyo siyaabaha loo kala qaado oo laga soo jeedinayo idaacada iyo telefishanka qaranka waxana dadka loo qaybinayaa waxyaabo afka lagu xidho oo ay ku yaboohday Wasaarada Caafimaadka iyo deegaanka waxana la abuuray meelo gaar ah lagu takooro dadka qaba xannuunkaas oo ay gacanta ku hayaan dhakhaatiir khibrad leh
Isbeddel aan hore loo arag ayaa ku dhacay magaalooyinka waawayn iyo degmooyinka dalka Yemen oo ah cabsi xoogleh oo laga qabo cudurkaasi iyo dadka oo aanan wax aqoon ah ulahayn ama aan hore u arki jirin si kastaba ha noqotee waxa ay dawladu la diyaar tahay wax kastoo ay u qaban karto dadka shacbiga ah ee tiradoodu ka badan tahay 22 milyan ee qof ee muwaadiniinta ah ku dhaqan gobolada tirada badan ee dalka Yemen
Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Sanca-Yemen


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sannad Dugsiyeedkii Dalka Yemen Oo Furmay Iyo Cabsi Laga Qabo Xanuunka Hargabka Doofaarka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback