Hargeysa-(Lug)-Guddida cusub ee Komishanka  doorashooyinka Somaliland ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Guddidii hore ee Komishanka Doorashooyinka ee Dhawaanta la kala diray, iyadoo guddidan cusub ee la magacaabay ay dhinac iskaga leexiyeen inaanay tunka u ridan lacago deymo ah oo ay qabeen guddidii hore ee Komishanku.Xaflada kala wareejinta xilka guddida komishanka oo shalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Aqoonyahano Culimaa’udiin iyo marti sharaf kale ayaa ugu horayn guddoomiyaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf Maxamed kaga dhawaaqay in hantida ay la wareegeen aanay ku jirin lacag lagu qiyaasay Nus Malyuun Dollar (0.5 Dollar) oo guddidii hore ee Komishanka denyn loogu lahaa, balse ay la wareegeen gaadiidkii iyo aqabkii kale ee doorashooyinka.

Guddoomiyaha Komishanka cusub ee doorashooyinka qaranka Eng. Ciise Xamari, xafladan xilwareejinta ay kala wayeegayeen komishankii hore khudbad kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in xilwareejintii ay la kala wareegeen komishankii hore agabka iyo wixii gaadiid ahaa dhamaan, balse aanay kala wareegin wixii xisaabaad deyn ah, taas oo uu sheegay sababta ay ula wareegi waayeen ay tahay inaanay ilaa hada isla meel dhigin, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “xilwareejintii waxaanu komishankii hore kala wareegnay wixii agab hoos yaalay gaadiidkii iyo dhamaan agabkii doorashooyinka iyo diiwaangelinta, natiijaooyinkii doorashooyinkii hore, wixii xisaabaad deyn ah lamaanu wareegin sababtuna waxay tahay is la maanu meel dhigin. Waxa kale oo aan idiin dheegayaa komishanka xilka nagu wareejinaya hada, runtii waxay la kulmeen hawl aad u adag oo culus oo ka culus hawshii komishankii ka horeeyay, hawshaasi waxay ahayd tii diiwaangelintii oo aad u cuslayd”

Gudoomiye ku xigeenkii komishankii hore ee la kala diray Cali Maxamed Cabdalle Biikolo ayaa isaguna ka warbixiyey inaanay doorasho  qaban kari waayin, balse dhibta ugu weyn ee ragaadiyey ay ahayd diiwaangelinta oo ilaa hada ay hortaagan tahay guddiga cusub ee komishanka doorashooyinka, isaga oo arrintaa ka hadalayana waxa uu yidhi “lixdan maalmood baanu diiwaangelin ku jirnay min Lawyacado ilaa Cagaaray ilaa Dhahar baanu geed kasta oo Somaliland ku dhex yaala aanu Computer ku maray, oo si nabadgelyo ah aanu kaga soo baxnay. Muhiimada ugu way nee ay doorashadu u qabsoomi weydayna waxay ahayd diiwaangelinta markii aanu daatada soo qaadnay ee aanu dib u soo qaadnay sidii ay wax uga soo bixi lahaayeen imikana wali diiwaangelintii waynu jirnaa, in laga fikiro ayay u baahantahay, faro-gelin fara badan baa jirtay oo xaga axsaabta ka imanaysay oo runti aan odhan karo komishanku in badan umay madaxbanaanayn hawlaha ay qabanayeen qaadhaanbixiyayaashii iyo hay’adii hawsha nala waday door fara badan oo aanay runtii xaq u lahayn bay ku lahaayeen”

Sidoo kale gudoomiyihii hore ee komishanka Jaamac Maxamuud Cumar Jaamac Sweden, ayaa isaguna shaaca ka qaaday in guddiga cusub ee komishanka ay ku wareejinayaan wixii lacago ay u hayeen doorashooyinka iyo faahfaahintoodii, waxanu yidhi “xisaabihii aanu wareejinaynay ee ku lug lahaa wixii logu imanayo ee yaala komishanka qaranka halkan ayaan idiinka akhriyayaa a) account-ka 174/9 waxa ku jira shan iyo toban milyan laba boqol iyo sideed iyo sagaashan kun.

b) account-ka Dahab shiil D.1970 waxa ku jira boqol iyo labaatan dollar, c) account-ka D.6701 waxa ku jira saddex boqol iyo saddex iyo konton. d) account-ka la yidhaahdo 229 waxa ku jira sideed boqol iyo kow iyo soddon e) account-ka la yidhaa 6/37 waxa ku jira lix Bilyan iyo shan boqol waxayna u dhigantaa hal milyan iyo dheeraad oo doollar waa lacagtii hordhaca u ahayd doorashada, markaa intaasina waxa weeyaan Komishanka cusub ee qaranka ayaanu ku wareejinay.

Axmed Maxamed Maxamuud guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Siilaanyo, ayaa isaguna ka hadlay tan iyo intii guddiga doorashooyinka cusub la doortay si weyn ugala dardaarmay Hawlaha baaxad leh ee u yaala, waxanu yidhi “waanu idin soo dhawaynaynaa marka hore aad iyo aad baanu idiin soo dhoweynaynaa Ilaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu hawsha u fududeeyo, waa hawl faro-badan cadaalad badan u baahan wixii dee la soo maray waa arkayseen. Barnaamijka u yaalaa mid fudud maaha ummadii iyo dunida oo dhan baa soo eegaysa reer Somaliland wax ka ballaadhan baa seegaya.

Hawlaha dimoqraadiyadanta waxaa dunida iyo geeska Africa ka dhacaya waynu la wada soconaa ee colaada la inoogu qaadayaa waa xasiloonida        

Xoghaya Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Komishankii hore waxyaabo badan oo wax-ku-ool ah qabteen, isaga oo ku amaamay sidii geesinimada lahayd ee markii la saluugay ay xilkii ay Ummada u hayeen ay isaga wada casileen, waxaana uu ilaahay uga baryay in uu ka abaal mariyo waxii ay waddaka u qabteen.

Waxaa kaloo uu si toos ah ula hadlay xubnaha cusub ee xilka la wageegay, “Waxaan odhanayaa xubnaha cusub ee xilka la wageeya, waxa weeyaan masuuliyad culus ayaa idinku soo wareegtay. Midna ku talo-gala duddidan maanta joogta ee la magacaabay haddii aad tihiin, geedis-socodkii dimuqraadiyada ee Somaliland doorashada soo socdaa qiimo gaar ah ayuu ileeyahay, waxaan aad u rajaynayaa haddii doorashadaas inagu soo socotaa ay si nabad ah oo dimuqraadiyad ah inoogu dhacdo wixii aynu tirsanaynay ee masiirkii Ummada inaynu ka gaadhno. Idinka [Komishanka cusub] ayaa la idinka rabaa saxeexii ugu dambeeyey ee ahaa in gooni isu taaga Somaliland ay dhan tahay.”

Waxaa isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey Cabdilaahi Siciid Ismaaciil oo ka mid ah madaxda xisbiga UCID, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Marka hore xafladan ay xilka kula wareegaan Komishankii hore iyo Komishanka cusubi way mahadsan yihiin labadooduba. Qolodii hore waxba ka odham maayo’oo dee meesha waabay isaga tegeen oo xilkii way wareejiyeen. Qoloda cudubna duco badan iyo waano badan ayaa la yidhi, laakiin anigu waxaan qabaa inay yihiin niman reerka kambalkiisa loogu xidhay in uu habar-dugaag ku cuno, oo habar-dugaagaasi ama wuu cuni ama-ba way iska celin. Waxana xilka la yidhaahdaana wuu tuujiyaa qofka, oo qofku marka uu xil qaado ayuumbay soo baxaysaa waxa uu yahay”

Waxaana uu kula dardaarmay inay xilkaas loo igmaday si xil-kasnimo ah uga soo baxaan maadaama oo ay sugaan hawlo badan oo qabo ahi, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in la iska ilaabay doorashasii Golayaasha deegaanka oo uu ku-ba sifeeyey in la isla ilaabay.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray[ Sh. Aadan Siiro] oo isna halkaas ka hadlay, ayaa marka hore hambalyo iyo boogaadin u soo jeediyey komishankii hore ee xilka wareejiyey, isla markaana ku tilmaamay inay waddo fiican u jeexeen Somliland, maadaama oo ay si madax-bannaan qun-yar xilkii isaga wada-casileen.

Waxaana uu sheeku Komishanka cusub ku booriyey inay fuliyaan dhaartii ay ilaahay hortii u qaadeen, isla markaana ay la yimaadaan caddaalad, go’aan sugan oo sax ah, wada-jir iyo wadashaqayn dhexdooda ah.

Haatuf