Hargeysa-(Lug)-“Hawsha  na saaran ee waajibaadka qaranka aanu u hayno waanu gudanaynaa dhib kastoo naga soo gaadha, komishankii Hore in  masuuliyaddi saaran tahay maad moodayn, balse komishanka cusub waxaanu u rajaynaynaa shaqo wanaag iyo cadaalad iyo ciidanka la shaqeeya oo ay ka war hayaan, imika muddo saddex bilood ah wax lacag ah kamaanu qaadan, sidaana waxa sameeyey guddidii hore ee la kala diray, haatana duruuf adag  baa nagu gadaaman”. sidaa waxa sheegay kooxda ciidanka bilayska ka tirsan oo ah ilaalada dhismaha Sooyaal ee agabka komishanka doorashooyinku yaalaan, taas oo ay ku tilmaameen guddidii hore ee komishanka doorashooyinka ee dhawaanta la kala diray inay ahaayeen kuwo qayrul masuul ah, islamarkaana aan kaba war hayn masuuliyada saaran iyo waajibaadka ay qaranka u hayeen.

Ciidanka Ilaalada agabka doorashooyinku waxay intaa ku dareen, in aanay lacagtii ay komishanka ka qaadan jireen aanay qaadanin muddo saddex bilood ah, taas oo ay dheerayd afar bilood oo ay maqnayd hay’addii Interpeace ee komishanka doorashooyinka dhinaca farsamada kala shaqaynaysay in komishanku ay siin jireen askarta ciidanka bilayska ee la shaqeeya midkasta 10,000 sh/sl maalintiiba, kuna tilmaameen inay lacagtaasi dabooli weyday saddexdii wakhti ee cunada.

Ciidankan ayaa waxay sidaasi ku sheegeen mar uu shalay u waramay Wariye ka tirsan  wargeyska Haatuf, askari ka mid ah ciidanka ilaalada gabka komishanka doorashooyinka oo ka cudur daartay in magaciisa la xuso, ugu horayna isaga oo arrimaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaanu ilaalinaa hangarada Sooyaal leedahay ee agabka komishanka doorashooyinku ay yaalaan, hadaba muddo saddex bilood ah maanu qaadan lacagtii aanu ka qaadan jirnay komishanka waanay naga maqan tahay, waxa kale oo jirtay afar bilood oo hay’adii Interpeace maqnayd waxay komishanku na siin jireen askari kasta maalintii 10, 000/=sh/sl taasina saddexdii wakhti ee raashinka cuntada way noo dabooli weyday.hase yeeshee dhibkastaa hana haysee anagu shaqadayadii sidii caadiga hayd ayaanu waajibaadkayaga u gudanaynaa, inkastoo daymo badan aanu galay oo cid aanu ula cabano aanan garanaynin, hadana aanu shaqadii hayno oo hortaaganahay” ayuu yidhi waxanu intaas ku daray “komishankan cusub markaanu u sheegnay arrintaasi dhibta jirta, way ka aamuseen arrintaasi oo wax la yaableh ayay ku noqotay, markaa hawlo fara badan oo meeshan aanu ilaalino yaala way arkeen oo dhaxanta na haysa, xaabo la’aanta banaanka aanu fadhino way arkeen  wayna noo garaabeen markaa iyaga (Komishanka cusub) waxaanu ka rajaynaynaa guddidan cusub ee komishanka doorashooyinka loo soo magacaabay wad shaqayn wacan iyo ciidanka la shaqaynaya oo ay ka war hayaan xaaladooda”

Arkariga ilaalada ka tirsan oo wali hadalkiisa sii wada waxa uu intaa ku daray isaga oo ka waramaya guddidii hore ee komishanka oo uu ku tilmaamay kuwo qayrul masuul ah in ay ahaayeen oo aan ka warhaynin xilka ay qaranka u hayeen, waxanu yidhi “komishankii hore masuuliyad daro farabadan baa ka muuqatay oo xataa meesha wax ka jira aanay ogayn waxaanad moodaysay inaanay masuuliyadiba saarnayn, tuug baa meesha nagu soo weerari jirtay war kamay hayn, oo dhowr jeer wax isku kaayo dayay niman tuug ah oo na soo foosgareeyay markaa Ilaahay baa nagu asturay. Komisankii hore dee dhibaatadii ka dhacday waxaanu anagu ka raacnay dantii dalka iyo dadka imikana diyaar aanu u nahay shaqada aanu u hayo ee qaranku leeyahay, dee waayuhuna waa farabadan yahay waxaa noogu daran waa wixii aanu cunaynay oo imika hudheeladii ay naga xidhanayaan masaariifihii, markaa komishankankan cusub waxaanu ka rajaynaynaa inay hawsha qaranka si wanaagsan u gutaan oo cadaalad wax ku wadaan oo ay ciidanka la shaqaynayana ogaadaan iyo hawsha uu hayo halkan waxanu ku joognaa oo ilaalisa agabkan sideed askari iyo ilaa labaatan askari oo iyaguna ilaaliya xarunta komishanka” intaas ayuu ku soo gabagabeeyay oo uu yidhi.

Dhinaca kale Xasan Xuseen Yuusuf oo sheegay inuu ka mid yahay xamaalintii komishanka doorashooyinka doorashooyinka ee rogayay agabka ama qalabka komishanka ayaa sheegay in aanay bil lacagteed qaadanin iyagoo ka koobnaa 26 xamaal, isagoo intaa ku daray in haatan 12 qof ay lacagtaasi bisha ay ku leeyihin komishanka ay doonayaan in la siiyo, isaga oo ka rajaynaya guddida cusub ee komisanka doorashooyinka in ay arrintaas wax ka qabtaan komishankii hore ka baaqatay inay dadkaasi lacagtooda siiyaan.

Haatuf