somaliland-logo.jpgMadxweynaha JSL  mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo ka duulaya qodobka 90aad farqadiisa labaad ee dastuurka JSL , Isla markaana tixgalinaaya ahmiyada weyn ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu u leedahay dhismaha dalka iyo Qarankaba
  iyo baahida weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagada Wasiir ee Wasaaradaasi, waxa uu u magacaabay Mudane Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule) inuu si rasmiya u ahaado Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Igaadhsiinta JSL.

Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Wasiirka Cusub mudane Cali Maxmuud Axmed (Cali-Sandule) waxa uu amray in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka wasaaradaasi laga bilaabo maanta 15.11.2009

 

Allaa Mahad Leh

 

Siciid Canaadi Mooge
Afhayeenka Madxweynaha