Borama-(Lug)-Munaasibad lagu soobandhigayay Agabka Hidaha iyo Dhaqanka oo lagu soo bandhigay Dugsiga sare Ee Al-aqsaayaa saaka lagu qabtay isla dugsiga sare ee Al-aqsa ee magaalada Boorama
Munasibada oo ay soo agasimeen ardayada dugsigu ayaa lagusoo bandhigay agabkala duwan oo isugu dhafan qalabka uuka kooban yahay sida gundhate ,waran gorof qolxad iyo kuwo kale oo kaladuwan sidoo kale waxay kusoo bandhigeen ardayada daadihinaysay barnaamijka qiimaha banad ee saaka ka dhacay xarunta dugsaiga sare ee Al-aqsa ciyaaraha caanaka ah ee loo yaqaan sayliciga
intii barnaamijku socday ka hadalay macaliminta iyo ardaydii soo qaban qaabisay barnaamijkan hidaha iyo dhaqanka oo xusay mihiimada uu leeyahy Hidaha iyo Dhaqanka oo sheegay in maanta nooga duwantahay maalmahaan soo dhaafnay in kasta oo uu inaga sii fara baxaayo Hidaha iyo Dhaqankeenu oo loo badalaayo Dhaqamo shishiiye
munaasibadan Hidaha iyo Dhaqanka lagaga hadlaayey oo soo socotay mudo laba cisho ah ayna garab socotay doodo ardaydu dhexdooda qabsadeen ayaa gabagabadii ardaydii soo qaban qaabisay barjaaminkani ku dhiiri galiyeen in Hidaha iyo Dhaqanka gaarka ah la ilaaliyo oo loo siman yahay Rag iyo Dumarba
Wariye:-
Yuusuf Abdi Ali (Indho-qurux)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Munaasibad Lagu Soobandhigayay Agabka Hidaha Iyo Dhaqanka Oo Lagu Soo Bandhigay Dugsiga Sare Ee Al-Aqsa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback