Cusbitaalka Manhal Iyo Tababar Ku Saabsan Ultrasoundka Oo Kulmiyey Dhakhaatiir Iyo Ardayda Caafimaadka Gobollada Somaliland Waxaa markii ugu horraysay Somaliland lagu qabtay Tababar la xidhiidha Mishiinka lagu baadho Uurku jirta (Ultrasound-ka) oo uu bixiyey mid ka mida tobanka nin ee dunida ugu sarreeya Ultrasound, ama mishiinka lagu baadho uurku-jirta. Professor Dr. Syed Gillani wuxuu u dhashay dalka Pakistan inkasta oo uu takhasusaaska PHD-da oo tira badan ka kala diyaariyey jaamacado ku kala yaal Yurub, Canada, Sudan iyo dalkiisa Pakistan, waana markii ugu horraysay ee uu yimaaddo Somaliland
Tababarkan oo socday muddo laba casho ah oo uu furay Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Somaliland Axmed Cali Shire waxaa ka soo qayb galay dhakhaatiir iyo Ardayda Kuliyadaha Caafimaadka oo tiradoodu gaadhayso 60 oo ka kala yimi gobollada iyo jaamacadaha kala geddisan ee Somaliland iyo xataa Magaalada Muqdisho
Tan iyo intii uu socday aqoon isweydaarsigan uu soo qabanqaabiyey Cusbitaalka Manhal Specialty Hospital waxaa Professor Dr. Syed Gillani u soo bandhigay ka soo qayb galayaashii aqoon korodhsigan casharo badan oo muhiima oo la xidhiidha horumarka laga gaadhay qalabka baadhista uur-ku-jirta (Ultrasound)
Aqoon isweydaarsigan uu soo qabanqaabiyey Cusbitaalka Manhal Specialty Hospital ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Somaliland laga hirgeliyo. Waxaana shahaadooyin la guddoonsiiyey dhamaan dadkii ka qayb galay aqoon korodhsigan soconayey muddada labada casho ah
Professor Dr. Syed Gillani ayaa madax ka ah ururka Afro-Asian Training Centre for Medical Science, ururkan iyo Cusbitaalka Manhal ayaa kala saxiiday heshiis gundhiggiisu yahay in Ururka Afro-Asian Training Center uu Somaliland ka hirgeliyo machad lagu barto Culuumta Ultrasound. kaas oo marka uu dhammaado noqonaya kan qudha ee noociisa ah ee ku Yaalla Geeska Afrika.
Ismail Hussein Mohammed
ismailhm@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Ultrasoundka Oo Markii Ugu Horraysay Somaliland Lagu Qabtay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback