Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ee ka qowlaysanaaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed ayaa maanta waxaa ay qafaasheen markab laga leeyahay wadanka kuuriyada waqooyi kaas oo maraayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.Sida ay ku waramayaan Saraakisha Ciidanka Badda ee Midowga Yuruub ee ka qayb qaadanaaya howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen in markabkaas u yahay nooca Kiimikada qaada lagana leeyahay dalka Kuuriyada Waqooyi.
Waxaana ay sheegeen in markabkaas u maraayay meel xeebaha Soomaaliya u jira 180-meyl kuna beegan waqooyi galbeed ee xeebaha Jaziirada Seychelles.
Markabka la qafaasha ayaa lagu magacaaba MV Theresa VIII ayaa la sheegay in u ku sii jeeday dekada Magaalada Mombasa ee dalkaa Kenya,waxaana la sheegay in Burcad Badeeda ay iminka u soo wadaan markabka xeebaha Soomaaliya.
Labo Asbuuc gudahood kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay qafaasheen ku dhowaad 10-markab kuwaas oo ah nooca xamuulka qaada,waxaana ay intooda badan ka qafaasheen meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Horseed media


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Budhcad Badeed Qabsatay Markab Kuuriyada Waqooyi Laga Leeyahay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback