Madrid -(lug)-Garsoorka sare ee wadanka Spain ayaa maanta waxa uu qaadayaa dacwada 2-nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay falal burcad badeednimo oo dhawaan Ciidamada Badda wadanka Spain ay ka qabteen gudaha badwaynta Hindiya.
Ragaasi waxaa loo haystaa eedaymo gaaraya 36-dacwadood oo ay kamidtahay in ay gaysteen afduub iyo dhac hubaysan,waxaana lagu eedaynayaa in ay ka danbeeyeen oo ay lug ku lahaayeen afduubkii Markab kuwa Kaluumaysiga ah oo laga lahaa wadanka Spain oo ay saarnaayeen 36-shaqaalo ah.
Arinta maxkamadaynta labadani nin ayaa waxa ay dhacaysaa iyadoo Ehelada dadka la haystayaasha ee saaran Markabka kooxaha burcad badeeda ay afduubka ku haystaan ay dalbanayaan in la siidaayo ragaasi taasina waxa ay ka danbaysay markii burcad badeedu ay dalbadeen in labadaasi nin la sii daayo si ay u sii daayaan dadka kale ee ay afduubka u haystaan.
Dowladda Spain ayaa waxa ay ku adkaysanaysaa in aanay u hogaansamaynin codsiga kooxaha burcad badeeda ee ku aadan in ragaasi la sii daayo.
Madrid ayaa waxa ay sheegtay in maxkamadaynta ragaasi ay sii socon doonto iyadoo hadii eedaymaha loo haysto lagu helina ay suurto galtahay in lagu xakumo xabsi gaaraya ilaa 20-sano.
Labada nin ee Soomaalida ah oo lagu kala magacaabo Cabdalla C/wali iyo Raage Jiisow Xasan Xaaji ayaa labadaba waxaa laga qabtay iyagoo watay Doon yar oo laash ah gudaha badwaynta Hindiya,waxaana la geeyay magaalada Madrid ee xarunta wadanka Spain.
Waa markii ugu horaysay ee maxkamad heerkaasi ah ee ku taala Spain la soo horistaajiyo rag Soomaali ah oo ku eedaysan falal burcad badeednimo.
Waxaa horay u jirtay in qaar badan oo kamid ah dowladaha reer Yurub ay qabteen rag burcad badeed ah islamarkaana mudo kadib iyagoo nabad qaba ay sii daayeen kadib markii maxkamadayntooda ay isku raaci waayeen.
Doonta kaluumaysiga ee lagu magacaabo Alakraana ee laga leeyahay wadanka Spain ee hadda gacanta ugu jirta kooxaha burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa saaran qiyaastii 36-qof oo haysta dhalashooyin kala gadisan.
Qaarkood waxa ay ka soo jeedaan Qaarada Eeshiya halka qaarka kalana ay ka soo
jeedaan Africa,waxaana ay dalbadeen ragaasi in la sii daayo 2-da nin ee maamulka Spain ay ku hayaan magaalada Madrid hadii ay doonayaan dadkaasi oo bad qaba iyo Markabkaba in loo sii daayo.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Labadii Nin Ee Budhcad Badeedka Somalida Ahaa Ee Ciidamada Bada Wadanka Spain Qabteen Oo Maanta Maxkamad Lagu Saarayo Magaalada Madrid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback