qad.jpgRome (lug)–madaxweynaha dalka Libiya Kornayl Qadafi, ayaa ku hawlan qorshe cajiib ah oo uu ku rabo inuu ku muslimiyo in ka badan lix boqol (600) oo ka mid ah gabdhaha ugu quruxda iyo hubqaadka wanaagsan dalka Talyaaniga. 
 Sida lagu faafiyey bogaga internetka wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, Madaxweyne Qadafi oo ka qaybgalay shir ka dhacay caasimadda Talyaaniga ee Rome oo lagaga hadlayey cuntada aduunka, ayaa dal baday in loo keeno 600 gabdhood oo ka mid ah Dumarka ama hablaha ugu quruxda badan Talyaaniga si uu u baro diinta islaamka iyo wanaaga ay u hayso dumarka, isaga oo gabdhahaas marba laba boqol oo ka mid ah u jeediyay wacdi diini ah si ay u fahmaan macaanka diinta suuban ee islaamka, isaga oo afar boqol oo Dumarkaas ka mid ah muxaadaro u jeediyey, halka uu 200 ee kala la balansan yahay berito si uu iyagana muxaadarooyin diini ah ugu jeediyo.

Gabdhaha madaxweynaha Liibiya ku hawlan yahay sidii uu diinta islaamka u bari lahaa, waxa uu ku xiray inay marka hore buuxiyaan shuruudo ah inay qurux badan yihiin oo aysan da’adoodu ka yaraan 18 kana waynaan 35 sanno, in dhererkoodu yahay 1.7 mitir, inay si fiican u labisan yihiin, balse aysan gashanayn dharka gaagaaban, inay xiran yihiin kabo cirbo dhaadheer iyo funaanadaha dhogorta ka samaysan.

Gabdhahan ama hablahan madaxweynaha Libiya codsaday inuu muslimiyo oo uu soo xulay urur kireeya Gabdhaha ama hablaha quruxda badan ee loogu tallo galay inay ka shaqeeyaan diyaaradaha iyo shirarka caalamiga ah ee waaweyn, waxa markii hore loo sheegay inay ka qaybgalayaan xaflad, waxaana lagu qaaday basas, iyaga oo la geeyey guriga uu degen yahay safiirka dalka Libiya u fadhiya Talyaniga, iyaga oo saf saf ah oo baaritaano dhinaca ammaanka ah lagu sameeyey ayay galeen hoolkii loogu talo galay.

Saacad ka bacdi waxa hoolka soo galay madaxweyne qadaafi oo watay Baabuur cad oo nooca xarakada loogu talla galay ah, waxaanu fadhiistay kursi loo sii qurxiyey, isaga oo ay hareeraha ka taagan yihiin laba Dumara ama hablood oo qurux la tiictiicaya oo ka mid ah gabdhaha ilaaliyayaashiisa ah, waxaanu gabdhihii loo soo xulay ee Talyaaniga ahaa u bilaabay wacdi diini ah, isaga oo uga sheekeeyey wanaaga diinta islaamka, wuxuuna ku booriyey inay qaataan diinta xaqa ah ee islaamka oo uu sheegay inay if iyo aakhiraba u fiican tahay, illaahayna ugu naxariisanayo.

Gabagabadiina waxa madaxweynuhu dumarkaas uu rabay inuu islaamiyo u qaybiyey kutub quraan ah oo lagu turjumay Af-Talyaani iyo waraaqo ay ku qoran yihiin casharo ciwaan looga dhigay ‘sidaad u noqon karto muslim.’, waxa kale oo gabarkasta xaqal shaah ahaan la guddoonsiiyey 50 gini oo lacagta ingiriiska ah u dhiganta. 

Gabdhahan Talyaaniga ah, ayaa qaarkood ka xanaaqeen wacdiga diiniga ah ee madaxweyne Qadaafi u jeediyey, iyaga oo ku dooday in la soo farageliyey diintoodii kiristaanka ahayd, qaar kale ayaa iyaguna ka biyo diiday xaflada lagu qaabiley oo noqon wayday tii ay markii hore filayeen.

Mid ka mid ah Dumarka ayaa tiri; “Waxaan si gooni ah uga xanaaqay markii uu madaxwaynuhu yiri “waan rumaysanahay nabi ciise, laakiin lama dal-dalin(crucified), ee waxaa halkiisii lagu badalay nin u eg, Ilaahay ayaana bad-baadiyay Ciise( Cs).’

Gabar kale oo ka mid ahayd dumarka la wacadiyey, ayaa tiri; “waxaanu moodaynay in nalageynaayo xaflad aad u qiimo badan, laakiin waxaanu la kulanay wax aanan filayn, iskadaa wax kalee ee xaataa koob biyo ah lanama siin.”

Mid ka mid ah madaxda ururka hablaha keenay ayaa sheegay in ururkoodu yahay kuwa ugu wayn yurub, kuna jiraan in ka badan 65,000 Gabdhood ama hablood, wuxuuna yiri” Runtii waxay ahayd xaflad aad u qiimo badan, cajabisayna Dumar badan.”

Qaar ka mid ah ayaa ii yimid oo ii sheegay in ay aad u xiiseeyeen, rabana in ay tagaan Libiya si ay u soo arkaan halka loo diyaariyay, ugalana hadlaan Qaddafi si qoto dheer sidii ay Islaamka u soo gali lahaayeen,” ayuu mar kale yiri masuulkaasi.

Qaddaafi waxa uu siiyay Gabdhaha mid kastaba Kitaabka quraanka ah oo ku tarjuman Af-Talyaani, wuxuuna balan qaaday in uu la soo xiriraayo si uu u hubiyo inay akhriyeen.

Raysal wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa ka hor shirka, ka mabsuuday kulanka Qadaafi. Qaddaafi ayaa isna ku sheegay Berlusconi saaxiibkiisa ugu dhaw.

Haffed Gadur oo ah safiirka Liibiya u fadhiya Talyaaniga ayaa yiri” Waxa kaliya ee Madaxwaynuhu rabay waxay ahayd in uu Dumarka u sheego in Islaamku aanu ka soo horjeedin dumarka.”

Madaxweynaha Libiya oo looga bartay in marka uu shirarka caalamiga ah ka qaybgalo uu codsado in loo sameeyo waxyaabo qayrul-caadi ah oo dad badan ka yaabiya, ayaa waxa uu mar hore  uu booqasho ku tagay Talyaniga u codsaday in loo keeno 700 oo ka mid ah dumarka ugu caansan Talyaaniga sida ganacsato, suxufiyiin iyo qaar siyaasiyiin ah.