Saylac (Lug) Saaka subaxnimo ayaa sii heer qaran ah loo aasay guddoomiyihii gobolka Selel, alle ha u naxariistee Cawaale Ismaaciil Xasan oo labo maalmood ka hor ku geeriyoodey waddanka Djibouti, waxaana aaska marxuumka ka soo qaybgeley masuuliin ka kala socday Somali Land iyo Djibouti.Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay tacsi qarameeddaasi oo ka dhacdey magaaladan Saylac, xisbiyada siyaasadeed ee SomaliLand, salaadiin, culimaa`u diin, madaxda degmooyinka gobolka Salal iyo dadwayne kale, sido kale waxaa soo galbiyay maydka masuuliin ka tirsan dalka Djibouti.
marxuumka oo iilka la dhigayo
Cawaale Ismaaciil Xasan oo aan wax carruur ah ifka kaga tegin ayaa la sheegey Inuu ahaa nin daacad ah kuna caanbaxay hawlkarnimo iyo gacan furnaan, dhammaan dadwaynihii ka soo qaybgeleyna waxa ay taxi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka tegey marxuumku, waxayna si gaar ah u xuseen ooridii ka hadhey oo la yidhaa Nuria Axmad. 
janaasadii uu lagu tukanayo marxuumka
wariye:Yuusuf Cabdi Cali (Indhoqurux)
Lughaya news- Saylac


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Saylac: Guddoomiyihii G.Selel Oo Si Heer Qaran Ah Loo Aasey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback