Hargeysa (lug)- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar, ayaa sheegay inay jiraan Doonyo si tuugo ah uga kalluumaysta Badaha Somaliland, isla markaana ay Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisu go’aan ka soo saareen arrintaa. Waxaanu Taliyuhu baaq u jeediyay Shacabka iyo Ganacsatada dalka.
Taliyaha Ilaalada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar oo shalay Wargeyska Ogaal Waraysi gaar ah kula yeeshay Xafiiskiisa Hargaysa, ayaa ugu horrayn ka war bixiyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha dalka. “Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxay dhisnaayeen hadda saddex sanno ilaa markii laga soo wareejiyay Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee loo soo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha. Wayna ka geddisan yihiin Ciidamada Badda, sababtoo ah Ciidamada Baddu waa kuwo la hawl-gala Wasaaradda Gaashaan-dhigga. Ciidamada Ilaalada Xeebuhu waxay ka hawl-galaan ilaalinta Kootarabaanka, Xuduudaha, Tahriibta, Maraakiibta Qashinka ku daadiya Badaha, Kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo Budhcad-Badeedda.” ayuu yidhi Taliyaha Ilaalada Xeebuhu.
Mr. Xagar wuxuu ka war-bixiyay awooddooda wax-qabad, waxaanu sheegay in Dawladda ka helaan qacan-qabasho. “Taag badan ma lihin oo dal la aqoonsan yahay ma nihin oo caawimo kama helno, laakiin dawladda ayaa na taageerta..Doonyaha aanu isticmaalno Matoorkoodu ama Mishiinkooda qiimahoodu waxa weeye ilaa dhawr iyo afartan kun oo Dollar. Badda dhererkeeda oo dhan 850-Km iyo tirada Ciidanku aad bay u kala yar yihiin. Waxaananu Baddeena ka degannahay ilaa dhawr iyo toban goobood. Laakiin, dadweynaha ayaanu gacan wayn ka helnaa oo nala shaqeeya oo mararka qaarkood iyaga ayaa qabta Doonyaha sharci-darrada ah oo nala soo socodsiiya.” Ayuu yidhi Taliye Xagar.
Mar aanu waydiinay sida ay Somaliland uga badbaaday Budhcad-Badeedda, ayaa waxa uu Taliyuhu ku jawaabay oo uu yidhi, “Budhcad-Badeeddu meeshii ay wax ku bartaan ayay tagaan, imakana ilaa 42 qof ayaa Budhcad-badeednimo u xidhan oo Badaha laga soo qabtay. Markaa inaguma soo dhiiradaan, balse Laasqoray baad mooddaa in dadkii Puntland ku lugta lahayd inagu soo siqayaan oo ay hoy noqonayso.”
Taliyaha mar aanu sidoo kale waydiinay sababta ay uga hawl-geli waayeen Laasqoray oo horeba Budhcad-Badeeddu ula timi dad ay soo afduubeen, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Runtii Ciidamada way u sahlan tahay inay iskaashadaan, balse dadka badanka la soo afduubo oo reer Yurub ah ayaa dalalkoodu aanay ogolayn inay cidi ka dhimato. Marka hawlgal la qaadayana labada dhinac ee Ciidanka iyo Budhcad-Badeeddu waxay is-dhaafsanayaan Hub, sidaad darteed, way dhici kartaa in cidi dhimato. Markaa, dalalka reer Yurub mararka qaar ayaabay nala soo hadlaan oo ay yidhaahdaan wada-hadal baanu doonaynaa ee Weerar ha qaadina.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dad Puntland ka imanayaa way jiraan oo dadka Laasqoray oo kaliya u dhashay maaha.”
Waxa uu Mr. Xagar sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo dhiman oo uu Ciidanku u baahan yahay, balse ay ballan-qaadyo haystaan ah in wax lagala qabanayo. Waxaanu xusay in Beesha Caalamku hadda aragtay in meesha kaliya ee Ciidanka ilaalada Xeebuhu ay ka jiraan ay tahay Somaliland. sidoo kalena, wuxuu Taliyuhu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaannada Xeebaha Somaliland iyo guud ahaanba shacabku ay yihiin dad wanaagsan oo dalkooda jecel oo ilaashanaya.
Mar aanu wax ka waydiinay Taliyaha waxa ka jira in Xeebaha Somaliland ay jiraan Doonyo iyo Maraakiib xaalufiya oo Kalluunka gurta, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Runtii taa waxba qarin mayno oo waxa weeye, Masaaridu Wasaaradda Kalluumaysiga ayay timaadda oo heshiis bay gashaa, inkastoo aanay haddeer imanin oo malaha dawladdoodii baa tidhi, haddii meelahaa laydinku afduubo idinma naqaan. Markaa maba yimaaddaan oo muddoba may iman. Laakiin, nimanka Yemeniyiintu maaha dad hoggaansan wanaagsan oo Dawladdooda u hoggaansama ee waa dad iska yaaca. Markaa runtii, waxay u yimaaddaan dalkeena inay Kalluunka xadaan, wayna jiraan dad Soomaaliyeed oo ay ku soo dhuuntaan oo yidhaahda Doonta anigaa leh, ama waan ka kiraystay ama Waraaqo Yemen uga soo samaysta inay ka iibsadeen oo yidhaahda, ma aniga oo Muwaadin ah ayaa lay diidayaa. Yemeniyiinta waynu iska celin kari lahayn oo aad baanu ula dagaallami kari lahayn ee waxa badanaa na carqaladeeya Soomaalida deegaannada kala duwan joogta, hadday tahay Saylac, hadday tahay Berbera, hadday tahay Lughaya, hadday tahay Mayd iyo hadday tahay Xiis, meelahaas oo dhan.” Waxaanu Mr. Xagar sheegay in Xeebaha Somaliland ay sharci-darro kaga kalluumaystaan
Kalluumaysato Yemeniyiin ahi, isla markaana wuxuu xusay in Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisu ay amar ku soo rogeen Doonyahaas. Waxaanu yidhi, “Kuwa ugu badani Yemeniyiinta sidaas ayay inagu soo galaan. Waxa kale oo jira kuwo Tuugo inagu soo gala, iyaga badankooda waanu qabanaa, waliba waxa hadda degsan oo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa labaduba ay nagula ballameen haddaad Dooni Yemeneed aragtaan oo sharci-darro dalka ku soo gashay, Doonnida la wareega, dadkana masaafuriya. Sidaas ayaanu haddaba dhawr ku haysanaa..Markaa aad iyo aad ayaanu uga xunnahay arrimahaas oo aanu waliba u dedaalaynaa oo aanu isleenahay Kalluun badan baa Badda inoogu jira.” Waxaanu sheegay in Kalluumaysatada Yemen ay ku doodaan in dalkeenu ka Kalluun badan yahay dalkooda. Taasinna ay keentay inay si tuugo ah ugu soo kalluumaysi tegaan dalkeena.
Mar aanu Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland wax ka waydiinay jiritaanka Warar sheegaya in Maraakiibta Masaarida ah qaarkood ay xidhiidh la leeyihin Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, ayaa wuxuu sheegay in Maraakiibta Masaaridu ay sitaan Sharci ay ka soo qaataan Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland oo Lacag laga qaado. Waxaanu xusay in aanay Ciidan ahaan iyagu la kulmin Maraakiib ama Kalluumaysato la sheegay in ay burburiyaan Dhagxaanta Hoyga u ah Kalluunka ee uu ku tarmo badda dhexdeeda. Waxaanu ku baaqay in Shacabka Somaliland ay ka faa’iidaystaan Kalluunka, isla markaana ay Ganacsatada dalku maal-gashi ku sameeyaan Kalluunka
Xigasho: Wargeyska Ogaal


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Taliyaha Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Sheegay In Sharci-Darro Lagaga Kalluumaysto Badaha Dalka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback