pp.jpgBorama-(lug)-Kala Iibsiga xubnaha jidhka bini’aadamka ayaa dunida wuxuu ka marayaa meeshii ugu sareysay iyadoo xubnaha kuwooda ugu qaalisan ay iminka noqdeen Kelyaha waxana arintaasi lagu tilmaamay qiimaha la kala siisto xubnaha jidhka bini’aamka in uu ku kala duwan yahay dalalka caalamka.

Hay’ada Caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO waxay sheegtey 5% oo u dhiganta 70 kun oo xubnaha jirka bini’aadamka in lagu kala iibsaday suuq madow iyadoo sidoo kale ay kordheen kumanaanka kun ee qof ee baadi goobaya iibsiga xubno jidh bini’aadam oo iyaga ay  kuwoodii ka haleeleen cuduro kala duwan.

Dalka Mareykanka waxaa baadi goob iyo raadin ugu jira noocyada kala duwan ee xubnaha muhiimka ah ee jidhka bini’aadamka dad lagu sheegay inay ka badan tahay tiradoodu  100 kun oo qof halka UK ay fayl ku jiraan 8 kun oo qof, Faransiiska waxay gaadhyaan  5 kun oo qof waxaana 10-kii sano ee ugu dambeysay sii kordhaya dalabaadka iyo baadi goobka xubnaha muhiimka ah ee jirdhka aadamaha.

Wadamada dunida ugu badan ee sida joogtada ah ee isdabajooga ah  sida tusbax afka laga furay xubnaha jidhka bini’aadamka loogu kala iibsado  suuqa waxaa ugu horeeyea Brazil, Hindiya, Moldova, Romania iyo Filibiin, sidoo kale bariga dhexe waxaa ugu badan Turkiga Masar, waxaase hada suuqa kala iibsiga xubnaha jirka bini’aadamka soo galay dalalka Ciraaq iyo Falastiin.

Cilmi baare Nancy Scheper-Hughes oo ka tirsan Jaamacada University of California, ayaa sheegay in  Berkeley, ay socdaal ku tagey wadanka Turkiga waxayna sheegtey inay doonayso inay iska iibiso Keli caafimaad qabta iyadoo ku jirtey baaritaan amuurahaasi ku saabsan  waxana loo sheegay in laga siisan doono in ka badan 2 kun oo Euro oo ku dhaw 3 kun oo doolar.

Magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq haatan halkii xabo ee keli ah waxaa lagu kala  siistaa  lacag ku dhaw 15 kun oo doolar, halka wadanka Vietnam lagu kala baayacanayo 3500 oo doolar, dalka Masar 3200 oo doolar laakiin qiimo jaban oo aan ka badneyn kun doolar ayaad kaga heli kartaa keli caafimaad qabta wadanka Hindiya.

Suuqyada kala iibsiga xubnaha muhiimka ah ee jidhka bini’aadamka waxaa hada ku soo biiray wadanka Kuwait hadii aad tahay qof u dhashay wadankaasi kelidaada waxaa laga iibinayaa  1000 dirhan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 3 kun oo doolar, hadiise aad tahay ajanabi 800 oo dirham ayaad bixinaysaa.

source Haatuf