Hargeysa(lug):- Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay maanta duhurnimada u kicitimayaan Magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Adis ababa.

 Sidaa waxay ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay saaka ku qabteen xarunta komiishanka doorashooyinka qaranka ee Magaalada Hargeysa.

 Guddoomiyaha komiishanka doorashooyinak  Somaliland Ciise Xaaji Yuusuf, [Ciise Xamari]  oo halkaasi ka hadlay ayaa si rasmi ah u sheegay inay dalka Ethiopia safar ugu kicitimayaan, isla markaana waxa uu xusay inay halkaasi tababaro iyo kulamo ku soo qaadan doonaan. 
Maxamed Xirsi Geele oo ka mid ah todobada xubnood ee komiishanka doorashooyinka Somaliland oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay safar ugu kicitimayaan dalka Ethiopia, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan wadamada qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo taabogelinta dimuqraadiyada waxaanay halkaasi  ku soo qaadan doonaan aqoon korodhsi la xidhiidha hawlaha komiishanka doorashooyinka qaranka ee ay hayaan.

“Sidaad ogtihiin waxa nala dhaariyey 28 October 2009, xilkana waxaanu la wareegnay sadexdii bishan aynu ku jirno, markaa xilka komiishanimo waxaanu haynaa muddo todoba iyo toban maalmood ah, waxaanuna muddadiii aanu haynay wada-hadalo la sameynay qaar ka mid ah wadamada Qaadhaan bixiyayaasha.”

Mar uu ka hadlayey Maxamed Xirsi Geele waxa ay u tagayaan dalka Ethiopa waxa uu yidhi“Markaa waxaanu Saxaafada  idinku yeedhnay  inaad ummada la socodsiisaan in maanta aanu tababar ugu baxayno dalka Ethiopia, waxaana noo imanaysa diyaarad khaas ah oo aanu raaci doono todobadayada xubnood ee komiishanka ah iyo sadex ka mid ah shaqaalaha komshihan.”.

 Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo u yidhi  “Tababarkani waxa uu noo socon doona todoba cisho, waxaanuna jecelnahay inaanudalka dib ugu soo kaabano jimcaha fooda inagu soo haya.”

Hadhwanaagnews