Suuriya-(lug)-Waxaa arin mucjiso leh ay ka dhacaday isbitaal ku yaala dalka suuriya ka dib markii uu ku dhashay canug afar lugood leh cisbitaal ka magaalada Xalib ee wadanka Suuriya kaas oo si aan dhibaato lahayn uga yimid minka hooyadiis,iyadoona ay dhakhaatiirtii ka umulinaysay hooyadiis ay si aan dhib lahayn u soo saareen cunugaasi.
Maamulaha cisbitaalka caruurta ee magaalada Xalib ee Suuriya Axmed Sheikh ayaa sheegay in uu cunugaasi ahaa markii uu abuurka ku jiray labo mataana ah,laakiinse uu is badalay bartamaha xiliga uu ku jiray heerarka koriinka ee Minka hooyada.
Dhakhtar qaabilsan qaliinka oo lagu magacaabo Muniir Caruuq ayaa isguna sheegay in uu cunagani yahay mataano aan dhamystirneen,kaasoo si Naadir ah loogu arko caalamka ilmo ku dhasha xaalada mataano aan dhamaystirmin.
Maamulka cisbitaalka uu ku dhashay cugani ayaa wada xanaanayn joogta ah oo ay sii nayaan cunuga iyo hooyada dhashay.
Dhakhaatiiru waxaa kaloo ay sheegeen in aanay weli kala cadayn Karin in uu ilmahan yahay gabar ama wiil,laakiinse ay baaritaano ay ku samaynayaan cunugaasi kadib ay kala cadayn doonaan.
Arintan Mucjisada leh ayaa si dhifdhif ah uga dhacda caalamka iyadoona aan inta badan lagu arkin dhacdooyinka caalamka ee caruurta dhalata,labo mataana ah oo ku xumaada inta ay ku jiraan minka hooyada kadibna isu badala sedan oo kale.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Canug Afar Lugood Leh Oo Ku Dhashay Isbitaal Ku Yaala Dalka Suuriya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback