Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maant qariga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda laanta Qaramada Midoobay
u qaabilsan dhinaca caafimaadka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (WHO).Waftigaas oo uu hogaaminayey Dr Eric Larocha kuxigeenka agaasimaha guud ee laanta (WHO) oo xarunteedu ay tahay magaaladda Geneva, waxana ay Somaliland ku yimaadeen booqasho gaaban.
Madaxweynuhu waxa uu weftigaasi kala hadlay arrimo dhawr dhican taabanaya oo ku saabsan baahida xaga caafimaadka ee Somaliland, waxana madaxweynuhu carrabka ku dhuftay in Somaliland ay soo galaan daawooyin badan oo wakhtigoodu dhacay iyo kuwo kale oo tayadoodu anay fiicnayn, kuwaasi oo ka yimaada waddamada dibadda, halis weyna ku haya caafimaadka dadka reer Somaliland.
Sidaa awgeedna waxa madaxweynuhu ka codsaday laantaasi (WHO) in ay dalka ka samayso shaybaadho lagu xakameeyo daawooyinka halista ku haya caafimaadka dadweynaha.
Dr Eric Larocha oo isna kulankaas hadal kooban ka soo jeediyey waxa uu sheegay inaanay ahayn booqashadii ugu horeysay ee uu Somaliland ku yimaado, inkasta oo imika loo magacaabay xil ka sii sareeya kii hore uu u hayey.
Dr Eric Larocha waxa uu ka dhawaajiyey in laga furi doono Somaliland shaybaadho xaga cuntada iyo dawaooyinka ah, waxana uu sheegay in shaybaadhadaasi ay ka shaqayn doonaan dad reer Somaliland ah oo aqoon u leh, iyada oo kooxdii ugu horeysay oo lix qof ah lagu soo tababari doono dalka Kiiniya.
Waxana uu sheegay in shaybaadhadaasi ay noqon doonaan kuwo wax weyn ka tari doona ilaalinta caafimaadka dadweynaha haddii ay noqon lahayd xaga cunada iyo daawooyinkaba, isla markaana waxa u sheegay Dr Eric in iyana uu u kuur gali doono baahiyaha dhinaca caafimaadka caruurta iyo haweenka isaga oo la kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka ee JSL.
Kulankaas waftiga (WHO) saaka ay la yeesheen Madaxweynaha waxa kale oo goob joog ka ahaa haweenayda madaxda ka ah xafiiska (WHO) u qaabilsana Somaliland/Somalia Dr Marthe M. Everard, Wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe iyo haweenayda madaxda ka ah xafiiska (WHO) ee Somaliland Marwo Aasiya Cusmaan Axmed.
Allaa Mahad Leh
Siciid Canaadi Mooge
Afhayeenka Madxweynaha


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynaha S/land Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefdi Ka Socda Hay’adda WHO "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback