Hargeysa-(Lug)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay u socdaalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Xubnaha Komishanka oo ka hor intii aanay dalka ka dhoofin warbaahinta la hadlay, waxay sheegeen in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho tabobar la xidhiidha hawshooda doorashada iyo heshiisyo ay la soo gelayaan dalalka Deeqbixiyeyaasha. “Xilka Komishannimo waxaanu haynay muddo todoba iyo toban maalmood ah, waxaananu muddadaa wadahadalo la samaynay qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha,” ayuu yidhi Maxamed Xirsi Geelle oo ka mid ah xubnaha Komishanka oo shirkaa jaraa’id ka hadlay. Wuxuuna intaa ku daray, in loo soo diray diyaarad gaar ah oo qaaday todobada xubnood ee Komishanka iyo saddex xubnood oo hawlwadeenada Komishanka ka tirsan.
Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay ka daba tegi doonaan lix xubnood oo ka kala tirsan saddexda xisbi qaran ee Somaliland.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), ayaa ka hadlay siday Guddi ahaan u arkaan in la soo celiyo hay’addii dalka laga saaray ee Interpeace, isla markaana ay mar kale wakiil u noqoto Deeqbixiyeyaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera geedi-socodka Dimoqraadiyadda. “Runtii ma doonayno in aanu arrintaa ka hor dhacdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo la waydiiyay in Guddi ahaan ay aaminsan yihiin in la soo celiyo Interpeace iyo inkale. Wuxuuna intaa ku daray, in aanay arrintaa faahfaahin ka bixin karin, ka hor inta aanay Deeqbixiyeyaasha kulanka kula soo yeelan Addis Ababa.
Ogaal


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Hadlay In Interpeace La Soo Celiyo Iyo Inkale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback