ssssss.jpgMinnesota-(lug)- Cabdi Mohamed Askar oo waday gaari Taxi ah Shirkada Blue And White oo ka shaqeeya Magaalada Minneapolis ee Gobol kan Minnesota ayaa  qof u qaaday Gobalka Wisconsin Magaalada Baldwin waxaana la helay asaga dhaawacyo ku yaalaan dhaawac yadaas ayaa waxaa ka mid ahaa Middi ama tooray oga taalay inta u dhaxaysa garkiisa iyo dhuunta 

 Warar ka saxaafadda maxaligaa ee Gobolka Wisconsin ayaa tibaaxay in shilkaan dhacay habaynimadii Isniinta abaarihii saacadddu markii ay ahayd 6:40PM waxuuna ka dhacay Maple Street at 14th Avenue oo u dhow Iskuul caruurta yar yar dhigtaan Greenfield Elementary Booliska Magaalada Baldwin ayaa helay Cabdi Mohamed Askar oo wadada Dhinaceeda yaala

 da,ahaan waxaa lagu sheegay 38 Jir in uu yahay dagan Magaalada Minneapolis gaariga uu waday oo ahaa Taxi tagsi ayaa ku dhacay gaariga loo yaqaano Van ka, ka dib markii dhaawacyo loogaystay asaga oo gaariga wada gaariga uu ku dhacay  ayaa  yaalay meesha gawaarida la dhigto ee iskuul kaas sida lagu sheegay war bixinta

Askar waxaa soo gaaray dhaawacyo marka uu gaariga kale ku dhacay asaga oo dhaawacyo  horay u qabay dhaawaciisa ayaa ah mid culus waxaana loola cararay Hospitalka Baldwin ee Wisconsin ka dibna waxaa loo wareejiyey Regional Hospital oo ku yaala Caasumadda Gobalkan Minnesota St Paul  waxaa sidaas Joornaal ka River Towns u sheegay Nin Boolis ah  oo ka tirsan booliska  Magalaada Baldwin  Sheriff

Dennis Hillstead waxuu intaas raaciyey in gaariga  Askar si xowliya ama xawaara dheereeya uu ku socday isla markaana ay suurta gal tahay in uu ka booday gaariga  Qofka  gaariga kiraystay ee macaamil ka ahaa ee dhaawacyadaan u gaysta Cabdi Mohamed Askar ayaa asna dagan Magaalada Minneapolis walina Magaciisa lama shaacin waxaana lagu hayaa Xabsi ku yaala waaxda St Croix Count waxaana gacanta ku haya Booliiska Magaalada Baldwin  

 

 Source-Halgan.net