Iyadoo  lagu gudo jiro  gudashada waajibaadka xajka oo ka mid ah tiirarka waawayn ee diinta islaamka ah ayaa waxa sannadkan  soo gaadhay  dhulka barakaysan ee xijaas ee boqortooyada Sucuudiga  inkabadan laba milyan oo xaaji oo kala sheegta   illaa 73 jinsiyadood  oo Caalamka ah sida ay sheegeen Wasaardaha Xajka iyo  Arimaha Gudaha ee boqortooyada Sucuudiga  xujaajtaasoo  dhammaantood maanta ku sugan  buurta Carrafo oo ah rukunka ugu weyn ee xajka.
 
Xujaajta oo aan isku  luuqado ahayn ayaa  maanta luuqadoodu tahay luqadda carabiga oo kaliya, takbiirta iyo ducoyinka ayay aad ugu dhawaaqayaan maadama ay joogaan meesha ugu fadliga badan dhulka uu ilaahay innagu kor abuuray waana fursad aad u qaali ah oo bani,aadamku  aanu wada heli karin ciddii ilaahay garansiiyo mooye.
 
Sanadkasta oo la gudanayo xajka ayaa waxa boqortooyada Sucuudigu ay aad u adkaysaa ammaanka xujaajta si ayna u iman carqalado iyo iska hor imaad sidaa darteed    ciidamada sugaya ammaanka ee boqortooyada Sucuudiga ayaa  aad loo kordhiyay iyagoo sugaya ammanka goob walba oo xujaajtu marayso  wasaaradda caafimaadka  ayaa iyana la diyaar ah gaadiidka gurmadka degdegga ah ee loo yaqaano (ambulance)  sarakiisha xagga ammaanka ugu qaybsan goobaha barakysan oo waraysi  siiyay   telefishanada ay maal geliso boqortoyada Sucuudi carabiya  waxa ay sheegeen  in aanay aqabli dooniin  cid kasta   oo doonaysa  inay carqalad galiso shuruucda xagga amaanka  ah ee loogu talo galay xujaajta amma martida ilaahay ee sannadkan.
 
Boqortooyada Sucuudiga ayaa aad uga cabsi qabta jabhadda Xuuthiyiinta oo ay beryahan dagaal laba geesood ah kula jiraan iyada iyo dawlada Yemen kaasoo beryahan sii kululaaday kadib markii ay taageero badan ka heleen Xuuthiyuntu dadka eheladooda ah  ee ku dhaqan gudaha boqortooyada Sucuudiga iyo gudaha dalka Yemen taasoo keentay in dhawacooda iyo dhimashadooduba ay caadi noqoto hase yeeshee ciidamada labada waddan ayaa  waxay bilaabeen gulufkii ugu adkaa ee lagu qaadayo jabhaddaasi si looga  tirtiro xuduuda labada waddan
 

Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews-Yemen