haaaaaaa1.jpgMuqdisho-(lug)-Warar ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in xalay la siidaayay laba Weriye, kuwaasi oo muddo 15 bilood ah ay haysteen Kooxo Soomaali ah, Weriyayaasha ayaa sii dayntoodii ka dib sheegay in jir dil loo gaystay.
Weriyeyaasha la sii daayay ayaa lagu magacaabaa Amanda Lindhout oo ah weriye madaxbanaan oo dhalatay wadanka Canada iyo Nigel Brennan ayaa isna ahaa Sawir qaade u dhashay wadanka Australia. 
labadan Weriye ayaa lagu qabsaday magaalada Muqdisho bishii August sanadkii tegay ee 2008 dii, iyaga oo doonayay inay booqdaan xerya Qaxooti oo magaaladaasi ku yaala.Weriye Brennan ayaa sheegay in ugu horayntii aanay afduubayu wax dhibaata ah kala kulmin, balse xaaladu markii dambe noqotay mid qalafsan, ayna baqdin ka qabeen in lagu wareejiyo Koosda Islaamiyiinta ah ee Al shabaab. “waxaa naloo sheegay in ay Al shabaabku nagu doonayaan shan boqol oo kun” ayuu yiri weriyahan.
“Caawa ayaa jajuub nala kaga soo saaray qolalkii aanu ku jiray waxaana nala siiyay dhar cusub, dabadeed ayaa gaari nala ku kaxeeyay, laman aanan socon sida xaal yahay” ayuu yiri weriyahu isaga oo khadka Taleefanka ugu waramayay warbaahinta Reuters, Idaacada layska arko ee CTV oo laga leeyahay dalka Canada ayaa sheegtay, bixinta lacag gaaraysa hal Malaayan oo Dollar.