Johannesburg-(Lug)-waxaa saaka isugu soo baxay Kumanyaal qof oo Muslimiin ah magalooyin waa weyn ee dalka Koonfurta Afrika salaadii ciidul Odxa iyadoo ay dadku ay ku tukanayeen meelaha u dhow.
Magaalada Johannesburg ayaa waxaa aroornimadii hore isugu soo baxay Boqolaal qof oo Soomaali ah kuwaas u badnaa caruuro iyo xaasas, salaada waxaa lagu tukaday garoonka oo ku yaala Badhtanka xaafada ay Soomaalida degto ee Mayfair.
Takbiirta waxaa la bilaabay abaaro 6:30 aroornimo, waxaana salaada la tukaday abaaro 7:20 waxaa ka horeeyey salaada qudbado ku kala baxay luuqadaha afka Soomaaliga, luuqada oromada iyo luuqada English-ka, salaada kadibna waxaa la galay qudbad carabi ah, dhaaman qudbadaha waxaa looga hadlay fadliga ciida, waajibaadka dadka muslimiinta ah saaran, iyo in dadka ay wax sadaqaystaan.
Dadka Soomaaliyeed ee maanta isugu yimid dabaal dega ciida Adxada ayaa intooda baddan ku joogey gawaari casri ah oo bilicsan, waxaana guud ahaan ka muuqatay dhaqnaan iyo ladnaan, waxaa sidoo kale goobta si weyn oga soo muuqdey haween iyo caruur aad u tiro baddan oo malaha aad is dhahaysay nin kasta oo goobta joogay xaas iyo caruur ayuu watay, arrintani waxa ay astaan u tahay sida qoysaska Soomaaliyeed ugu soo badanayaan dalka gaar ahaan Magaalada Johannesburg.
Cidaan Ciidul Adxaa ayaa Saaka Magaaladatan Johannesburg lagu damaashaadayey si heer sare ah, Dadka Magaalada ayaa ayaamahan Suuq yada Xoolaha ka gadanaayey Xoolo kala duwan oo ay Qalayaan Maalintaan Sharafta Badan Darteed, Wadooyinka Xaafadaha Xafada ay soomaalidu ka dagto Magaalada Johannesbrug ee Mayfair ayaa lagu ar kaayey dad wata Xoola kala duwan oo ay Maanta Guryahooda ku qashaan.
Dhanka kale waxaa sidoo kale Soomaalida salaada ciida ay ka oogeen magaalooyinka Cape Town, Port Elisaberth, Rustenburg iyo Pretoria , googre , iyo magaalooyin kale oo tiro macquul ah ay ku joogaan.
Si kastaba ha ahaatee Maanta oo ah Maalinta Ciiddul Adxaa, waa Maalin farxad leh oo ay Dadka Muslimiinta ah si weyn u Maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay Dadka Muslimiinta ah leeyihiin sidoo kale waxaa laga dareemayay Muslimiinta Ku nool Wadankani Koonfur Africa ee Saaka ku ciiday Magaalada Johannesburg Jawi Nab deed Farxadeed iyagoon is Bariidinaayey oo is ku Salaamayey Ciid wanaagsan Ciid Mubaarak, Ciida caafiya.
Wariye:-
Ibraahim Miigane (Mr Zaki)
Lughayanews- Johannesburg


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sidee Looga Ciiday Maanta Dalka Koonfur Africa? + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback