4433.jpgCape Town-(Lug)-South Africa - Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SOJASA, ayaa si weyn ugu riyaaqay Abaal-marinta ugu qaalisan Saxaafadda caalamka ee markii ugu horeysay la gudoonsiiyey Saxafi Soomaaliyeed.

Abaal-marinta oo ay bixiso Hey’adda caalamiga ah ee Committee Project Journalists (CPJ) ayaa sanadkiiba mar waxaa abaal marin noocan ah ay gudoonsiisaa shanta suxufi ee ugu wanaagsan saxaafadda caalamka kuwaasoo lagu qiimeeyo howshooda sida ay u gutaan. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay abaal marintaasi sanadkan 2009.

Wariye Mustafa Xaaji C/nuur  oo Madax ka ah Idaacadda Simba ee Muqdisho, ahna Saxafi ka tirsan Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP, ayaa noqonaya saxafigii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee la gudoonsiiyo abaal-marin saxaafadeed oo heerkan ah.

Hadaba War-saxaafadeed kasoo baxay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SOJASA, ayaa lagu yiri “Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa ay soo dhawaynayaan tallaabadaas horumarka saxaafadeed ah ee uu caalamka u iftiimiyey Wariye Mustafa Xaaji C/nuur oo matalaya maanta dhammaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta SOJASA Maxamed Muuse Nuur (Deeq-Darajo), ayaa sheegay in tallaabadaasi uu mutaystay saaxiibkeen Mustafa Xaaji C/nuur ay tahay mid ku dayasho mudan oo kusii dhiirigelinaysa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed inay waajibaadkooda ku saleeyaan ururinya aqbaaraadka muhiimka ah ee ka turjumaya xaqiiqda rasmiga ah ee ka jirta dalkeena Somali.

“Waxaanu Hambalyo iyo Bogaadin aan lasoo koobi karin u diraynaa Wariye Mustafa Xaaji C/nuur oo magac iyo maamuus usoo jiiday guud ahaan Saxafiyiinta  Soomaaliyeed, anagoo ku boorinayna inuu halkiisa kasii ambaqaado xirfadiisa saxaafadeed ee u horseeday abaal-marintan qaaliga ah”, ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeeda SOJASA.

Mustafa Xaaji ayaa ka mid ah Saxafiyiinta Hawl-karnimada iyo dhabar-adeyga kusii shaqeeya ee ka hawlgala xilligan maxaliga ah gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, iyadoo waaqti xaadirkan ay halis tahay in saxaafadda Somalia ay si xor ah uga shaqayso guud ahaan dalka.

Somalia oo mudo badan aan ka jirin xukuumad si rasmi ah u shaqeysa, ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa ay mar walba la kulmaan dhibaatooyin kala duwan taasoo keentay inay badankood isaga carareen dalka gudahiisa, ka dib markii ay arkeen saaxiibadood oo la dilay qaarna waxyeelo loo geestay.

 
Sojasa@live.com
wariye C/risaaq  mursal faarax