Tan iyo intii albaabada loo furay Dugsiga sare ee Boon taariikhdu markay ahayd (01 – 09 – 2008) , waxaa kamuuqday Boon isbedel yididiilooyin badan xanbaarsan oo dhinacyo badan taabanaya farxadna galiyay dhamaan inta jecel horumarka Boon.
Dugsiga sare ee Boon waxaa labadiisa Class ee u horeeyay hantidiisa kudhisay Idiris Muxumed Sacad ,laba Class oo kalena waxaa kudaray hay,ada DRC (Danish Refugee Council ).
Sida laga warqabo wuxuu dugsigu kushaqaynayay tan intii lafuray gargaarkii ay reer Boon kudeeqeen ,mana helin gargaar maaliyadeed oo kale ha ahaato dhinaca dawlada ama dhinac Hay,adeedba.
Kharashkii ku baxay Dugsiga sanadkii hore wuxuu dhanaa 8940 $ ,waxaana Dugsiga kubaxa bilkasta 745$,waxaa qaata lacagtaas shan macallin iyo waardiyaha ama ilaaliyaha dugsiga.
Lacagta dugsiga kubaxday sanad-dugsiyeedkii hore ee dadwaynaha reer Boon ee dibada kudhaqani soo ururiyeen waxay dhanayd 6270$ ,kharashka dugsiga ku baxayna wuxuu dhanaa sidaan kor kusoo xusay 8940$ , 2670$-ka kale waxaa ku daray oo jeebkiisa kabixiyay Idiris Muxumed Sacad.
Magacyada dadkii qaadhaanka bixiyay sanadkii hore iyo
tirada uu qofkastaayi bixiyay waa sidan hoos kuxusan :
Xasan Muuse Subagle 2000$
Ibraahin Rooble Barre 500 $
Daahir Cabdi Barkhadle 200$
C/laahi Cilmi Faarax 200 $
Mahdi Faarax Aadan 200 $
Cabdi Ibraahin Seenjaale 200$
Cabdi Muxumed Wabar 120$
Jeed Diiriye 100$
Saleebaan Cawaale Good 100$
Axmed Muxumed Sacad 100$
Jamiila Cismaan Waabari 100$
Maryan Muxumed Wabar 100$
Axmed Muxumed 100$
C/raxmaan Faarax Sigad 100$
Sahra Faarax Sigad 100$
Madiina Faarax Sigad 100$
Farxaan Faarax Sigad 100$
Nimco Axmed Kaahin 100$
Khadra Nuur 100$
Faadumo Barkhad Qayaad 100$
Nimco Muxumed Cige
Deeqa Maxamuud 100$
Khadiija Muxumed Sacad 100$
Xaliimo Muxumed Sacad 100$
Ifraax Jaamac Aleel 100$
Xaawa Muuse Qoorgaab 100$
Aamina Muuse Qoorgaab 100$
Nuur Obsiiyo Fariid 100$
C/raxmaan Muxumed Cige 100$
Cawaale Barkhad Looxtuur 100$
Mawliid Ibraahin Nuur / Siciid Muuse Xuseen/
Saleebaan Geedi Qayaad/Maxamed Yoonis
Caateeye. 500$.
Nimco Muxumed Cige 60$
Cabdi Yuusuf Caateeye 50$
Deeqa Maxamuud 40$.
Total : 6270 $.
Kharashka sanad-dugsiyeedkan ( 2009/2010) lafilayo inuu kubaxo dugsiga wuxuu dhan yahay 8940 $, ilaa maantana hal dollar looma hayo account-kii loo furay qaadhaanka dugsiguna uu madhan yahay,waxaana muuqata sida kor ku cad in dad kooban oo reer Boon ahi ay kaqaybqaateen qaadhaan ururintii hore.
Sidaas awgeed waxaan kuguubaabinaynaa dadwaynaha reer Boon ee kunool dunida dacaladeeda gaar ahaan intii aan kaqayb qaadan qaadhaankii hore in ay kaalintooda buuxiyaan ,si looga hortago inuu dugsigu galo marxalad adag culayskiisa dhaqaalena kudhaco ruux kaliya.
Waxaan kubalanqaadaynaa hadii allaha awooda lihi ogolaado inaan magacawno cidkasta oo taageero dhaqaale ufidisa dugsiga sanadwalba.
Ugu danbayntii .waxaan markale kutirtirsiinaynaa dadwaynaha reer Boon ee qurbaha kunool amaba gudaha wadanka jooga in ay sidhab ah utaageeraan dugsiga ,kana badbaadiyaan dib udhac iman kara haddii aan lahelin dadaal muuqda oo wadajir ah oo deg dega.
Waxaa warbixintan siwadajira udiyaariyay
Maamulka Dugsiga Sare ee Boon iyo Gudida
Waalidiinta ee dugsiga oo kal ah :
1- Bashiir Rabiile Good .
2- Abiib Rooble Xoosh.
3- Khadiija Kaahiye Lo,doon.
4- Maryan Daahir Kaahin.
5-Sacaada Maxamuud Gudaal.
BOON SECONDARY SCHOOL.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ka Qayb Qaado Socodsiinta iyo Horumarinta Dugsiga Sare ee Boon "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback