Hargeysa-(Lug)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland, oo shalay kasoo laabtay safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen caasimada dalka kenya ee nayrobi ayaa shaaca ka qaaday in ay deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah ka soo gaadhay qayb ka mid ah kharashaadkii lagu qabanayay hawlaha doorashada madaxtooyada iyagoo sidoo kalena sheegay in Serverkii kala shaandhaynayey natiijadii diwaan galinta cod bixiyayaasha qiimayn lagu sameeyey isla markaana qalab balaadhan lagu xidhi doono isla markaana ay iman doonaan khubaradii ka hawl gali lahayd xogta ku duugan Server-ka diwaan galinta codbixiyayaasha.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo u waramayay qaar ka mid ah saxaafada waxaanu yidhi “Markii hore khubarada waxaanu ugu yeedhnay uun qiimayn wax la yidhaahdo imikana waxa la galayaa shaqadii Server-ka waxa la isla gartay in Server-kii shaqo weyn la saaro, oo shaqo weyn laga qabto, qalab cusub la geliyo isla markaana lagu darro maskaxda bini’aadmiga. Waxaan rajaynayaa in si degdeg ah khubaradii ay dalka yimaadaan marka fasaxyada sanadka cusub laga soo noqdo oo ay hawshii sixida server-ka la bilaabo.”Badh aanu ka hayno dhaqaalihii oo hawsha lagu sii gelayaana way jiraan badh aad u badan oo ay marka dambe keenayaana way jiraan. Imika wax aanu hawsha ku dhaqaajino waanu haynaa, waxaanu bilaabaynaa xafiiska Xarunta Komishanka dhismihiisa, xafiisyadii gobolada iyo degmooyinka, waxaanu u sii diyaar-garoobaynaa doorashada. Waxa kale oo aanu bilaabaynaa tababarkii shaqaalaha,”Ayuu yidhi Md. Maxamed Axmed Xirsi.
Afhayeenka Komishanku wuxuu sheegay in dalka Kiiniya aan laga aqoon Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaanu aragnay markii aanu Nayroobi tagney in aan aad la inooga aqoonin Kiiniya, oo hay’adoodii socdaalku ay garan waayeen Baasabooradayadii, ilaa shacbigoodii meel kasta oo aanu marnaba oo aan aad looga aqoonin Somaliland. Sidaas darteed, ayaanu garanay in aanu shirjaraa’id halkaasi ku qabano oo aanu isbarno dadka dalkaasi jooga. Waxay ahayd arrin wadani ah oo na saaran in aanu wax isbarno oo Somaliland u sheegno.”
Haatuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaca Ka Qaaday In Qaadhaan Bixiyeyaasha Ay Kasoo Gaadhay Qayb Ka Mid Ah Kharashkii Lagu Qabanayey Doorashada "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback