Borama-(Lug)-Mid ka mid ah ganacsatada caanka ah ee reer Boorama  ayaa sheegay inaanay jirin haba yaraatee dhul uu ka iibsaday jasiiradda Saacadiin  ee degaanka Saylac .isla markaana aanay jirin cid ay ku muransan yihiin  dhul uu ku leeyahay  jasiiraddaasi.

Ganacsade Idiris Muxumed Sacad oo jawaab ka bixinayey warar dhawaanta lagu baahiyey wargeysyada dalka iyo Shabakadaha wararka oo  igala soo xidhiidhay mid ka mid ah dalalka Carabta ayaa sidoo  kale sheegay inaanay waxba ka khuseynin arrimaha jasiiraddaasi  wax xidhiidha  ahna aanu la lahayn cid kastoo arrimaha jasiiraddaasi  la xidhiidhaan.

Ganacsade Idiris  ayaa sidoo kale kale warbaahinta  gobolka kaga cawday inay  magaciisa  kusoo dhawaadeen arrimaha  jasiiraddaasi iyagoo aan waxba hubsan waxna weydiinin.

Ganacsadaha  oo arrimahaasi ka hadlayaan waxa uu yidhi ” waxaan run ahaantii la yaabay wararka lagu daabacay wargeysyada dalka qaarkood laguna baahiyey shabakadaha wararka  ee ku saabsan inaan ka mid ahay ganacsade reer Boorama  oo lug ku leh muran ku saabsan  dhul ku yaalla jasiiradda Saacaddiin  ee G/Selel.

Anigu waxaan ahay nin ganacsade oo ah oo wax xidhiidha ah la lahayn dhulkaa la sheegeyo isla markaana aan hore iyo dib toona cid kale ku qabsanin  dhul ka mid ah degaankaasi . Hadii aan doonayo inaan dhul iibsado waxan iibsan karaa dhul madax bannaan oo aanaan cid kale iskaga hor iman, cidna aanan isku kula murmin, mana garanayo sababta  dhulkaasi  igu khasbaysa murankiisa ama aan cid kale  ugu dhiirriigelin karo murankiisa . cid kale ku qabsado ama cid kale muran na dhex maraba. Haddaba markaad eegto  wararka la xidhiidha jasiiraddaasi iyo xidhiidhka la igu xidhiidhiyey dhulkaasi ayaan u arkaa uun  gef iyo khalad la iila badheedhay .Waxan  warbaahinta kula talinayaa inay  qiimeeyaan wararka ay tebinayaan isla markaana aanay ku gefin xuquuqda gaarka ah ee muwaadinka  oo ay qoraan warar la hubo.

Balse  aanay dadka ku jahwareerin wax mala awaal ah .Waxan mar kale xusuusinayaa cid kastoo  tuhun ka qabta ama igu xidhiidhinaysa muranka  dhulka  jasiiraddaasi ee la igu soo daray, inaan haba yaraatee wax lug ah ku lahayn waxna aanay iga khuseynin  arrimaheeda hadii ay shicib, dawlad ama ganacsato kaleba tahay cid kastoo arrimahaa igu tuhunsanina ay iska llawdo”.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama