Borama-(Lug)-Wararka ka imanaya xeebaha galbeedka Somaliland ayaa sheegeya in khilaaf xoog lihi ka dhex taagan yahay maamulayaasha dawladda Rayaale u magaacaabay gobolka lagu magacaabo Selel iyo ku dhawaad 11  xubnood oo isugu jira salaadiin iyo madaxdhaqameedyo kasoo jeeda G/Awdal oo dhawaanta socdaal aan hore loo arag ku tegey degaankaasi .
 
Sida warfarku sheegeyaan   shir ay isugu yimaaddeen salaadiinta ,iyo madaxdhaqameedya G/Awdal iyo  masuulyiinta dawladda Somaliland ka jooga halkaasi kuna saabsanaa aayaha jasiiradda Saacaddiin ayaa wadahadalkaasi istaagay kaddib markii labada dhinac isku afgaran waayeen  booqasho ay hoggaamiye dhaqameedyada reer Awdal ku tegi lahaayeen jasiiradda balse xukuumaddu iska hortaagtay .
 
Sida wararku sheegyaan masuulyiinta  G/Selel oo socdaalka salaadiintaan marka horeba u arkay qabsasho beelaha reer Awdal qabsadeen degaan horeba gacan ku hayantiisa muran badani ka taagnaa ayaa  gaashaanka ku dhuftay in gebi ahaanba joogitaanka salaadiintaasi ee degaankaasi yahay mid xaalad abuur ah sidaa darteedna loo baahan yahay inay salaadiintaasi joojiyaan socdaalkooda balse dhinaca kale wararka kasoo baxay ayaa sheegay in salaadiintaasi ka go’antahay sidii ay meesha uga saarin lahaayeen iibka la sheegay in jasiiraddaasi iyo meelo ku yaal gobolkaasiba laga iibiyey ganacsato reer Jabuuti ah oo xukuumadda Somaliland   badhi itaalayso iibkaasi sidaa darteeddna aanay hadda muuqan  dhinaca looga dhaqaaqi karayo ismariwaagaa maanta soo cusboonaaday balse qaar ka mid ah dadka la socda xaaladdaa dhulkaasi ii sheegeen in mar kale masuulyiinta xukuumadda Rayaale iyo salaadintaasi u ballaameen sidii wadahadaladaasi loosii wadi lahaa loogana saari lahaa mugdiga ay galeen .

Inkastoo aanay weli salaadiintaasi iyo dawladda halkaasi wax war kasoo saarin muraanka jasiiradda ee taagan balse warar ku dhaw dadweynaha la socda arrimahaasi ayaa ii sheegay in socdaalka salaadinta ee degaankaasi keenay xamaasad iyo qiiro ka dhan ah  xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti kuwaasoo loo arko inay barakicinayaan  qawmiyad dhan oo degaankaasi ku noolaa  boqolaal sannadood sidaa darteedna  aanay salaadiintaasi ka muuqan jixinjix  ama cabsi kaga timaadda hanjabaadaha Xukuumadaha Rayaale sidaa darteedna laga yaabo inay halkaa sii joogaan toddo baadyada soo socda ama bilaha soo socda haddiiba aan xoog miltari loo adeegsan ka bixitaankooda gobolkaasi waxayna aragtida dadka degaankaasi haatan ku sugan shiishka ku saarayaan xukuumadaha labada dawladood tallaabooyinka ay qaadi doonaan.
 
Wararka kale ee ku saabsan  socdaalka salaadiinta ayaa sheegeyaa in halkaasi lagu shubay malaayiin isugu jirta lacagaha faranka Jabuuti, shilin Somaliland iyo Doolarka maraykankaba taasoo loogu talogalay sidii loo kala furfuri lahaa salaadiinta reer Awdal mawqifkooda dhulkaasina  uga qaadan lahaayeen aragtiyo kala duwan oo loogu hiilinayo  maamulayaasha labadaa dawladdood.
 
Si kasta ha ahaatee culayska labada dawladood  ee jabuuti iyo Somaliland saareen salaadiintaasi ayaa ah mid muujinaysa inuu jiro heshiis lagu gaadhay   in dhulkaasi ama xeebahaha degaanada Lughaya iyo Saylac  ee ka kala tirsan gobolkii hore loo odhan jiray Awdal, gacanta loo geliyo  dalal kale ama beelo kale oo ka baxsan kuwa haatan degaaan ahaan hoos yimaadda maamulkasi G/Awdal , Booramana la isugu keeno wixii halkaa jooga.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama